crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Yemen – Ciyaar Bootineedka Geela | HimiloNetwork

Yemen – Ciyaar Bootineedka Geela

Sanca (Himilonews) – Dadka qabiilka Zaraniq ee ku nool xeebta galbeed ee Yemen ayaa waxay leeyihiin dhaqan gaar ku ah – waxay ka dulboodaan saddax ama afar Tulud oo la iskugu xejiyay sida qolada daredevils ay kaga dulboodaan gawaarida.
Ka nqoday mid caan ah oo dhiirri-gelin iyo adkeysi laga barto gudaha dalka Yemen, xubnaha katirsan qabiilka Zaraniq waa kuwa ugu horreeya laga soo gaaray ciyaartan. Qaadashada dhowr tallaabood oo orod ah oo loogu diyaar-garoobayo in laga dulboodo dhowr Tulud ah kahor intaan dhinaca kale dhulka looga dhicin ayaa si kooban looga bartaa ciyaartan.
Inta lagu guda-jiro ciayarta, midka ka-dulbooda tirada ugu badan ee Geela la iskugu tixay ayaa noqda guuleystaha.
“Tani waa waxa aynu sameyno,” ayuu yiri Bhayder Mohammed Yusef Qubaisi, oo kamid ah guuleystayaasha ciyaartan kana soo jeeda Tihama-al-Yemen.
Asalka ciyaartan waxaa dib loogu celiyaa waqtiyadii hore, hayeeshe dhaqankani wuxuu gebi ahaantiisba noqday midka la iska hilmaamay ilaa iyo dhawaantan, markii qabiilka Zaraniq ay dib u bilaabeen inay dhaqan-geliyaan.
Waxaa caadiyan lagu soo beegaa xilliyada aroosyada, xafladaha kale ee dhaqamada iyo xattaa mararka qaar maalmaha farxadda leh ee Muslimiinta.
Gobalka Tehama oo ay ku nool yihiin qabiilka Zaraniq waa mid kamid ah meelaha ugu saboolnimada badan dalka Yemen oo ah dalalka ugu faqriga badan dunida Carabta.
Soomaalidu waxay ugu yaraan ka baran kartaa waaya’aragnimo dhaqankan ka jira dalka Yemen – iyada oo xattaa laga yaabo inay dhaqan-gelin karto maadaama ay hanti in ku filan ka heysato Geela.
camel-jumping2
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!