crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ball’s Pyramid – Buurta ku dhex-taal Badda Pacific-ga | HimiloNetwork

Ball’s Pyramid – Buurta ku dhex-taal Badda Pacific-ga

Muqdisho (Himilonews) – Iyada 20 km ku dhawaad ka dhacda koofur bari Jaziiradda Lord Howe ee badweynta Pacific Ocean, buurta Ball’s Pyramid waxay dheer tahay 562 biyaha dushooda.
Sida la sheego Ball’s Pyramid waxay ka hartay folcaano qaraxday muddo laga joogo 7 milyan oo sano kahor waana buuraha ku sameysa qaraxa folkaanooyinka midda ugu dheer. Waxaa soo helay sanadkii 1788 ninka lagu magacaabo Lieutenant Henry Ball. Hayeeshe cidna maysan awoodin inay korto ilaa iyo sanadkii 1965. Sanadkii 1982 koritaanka buurtan ayaa la mamnuucay. Waxaana timid in dad dhif ah ay awoodaan inay ku koraan xeerar iyo shuruuc adag oo laga soo saaray.
Sanadkii 2001, cilmi-baarayaasha ayaa soo helay in noolayaal badan oo qaarkood ay dabargo’ ku dhow yihiin ku nool yihiin buurta. 24 kamid ah noolayaashaas ayaa gaar  loogu dhowraa si loo tarmiyo.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!