Tuniisiya oo xirtay Baar Muusik iyo Aadaan isku daray
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
April 4, 2017
325 Views
Tunis (Himilonews) – Baar ku yaalla Tuniisiya ayaa albaabada loo laabay kadib markii la arkay muuqaal muujinaya Aadaan loo daaray dad qoob-ka-ciyaar dheelaya, sida ay saraakiishu sheegeen.
Muuqaalkan oo laga duubay magaalada Nabeul ee ku taalla waqooyi bari ee dalka Tunisa ayaa lasoo ban-dhigay Axaddii, dad badan oo ka carooday arrintaas ayaana dareenkooda kusoo gudbiyay baraha bulshada.
Duqa magaalada Nabeul, Mnaour Ouertani ayaa sheegay in baarku sii xirnaan doono ilaa iyo amar danbe.
Baaritaan arrintaas la xiriira ayaana la bilaabay.
Muuqaalka la helay ayaa muujinaya dad baar jooga oo qoob-ka-ciyaaraya kuwaas oo ay muusig u daarayaan laba qof oo reer Galbeed ah kuna dhow Hammamet oo xeebta agteeda ah. Muusikada ayaa lagu daray Aadaanka Salaadda.
Ouertani ayaa sheegay in markii ay dhacdadaas xaqiijiyeen ay go’aansadeen inay albaabada u laabaan baarka.
Wuxuu intaas kusii daray in xabsiga la dhigay maamulka baarka wuxuuna tilmaamay inay baaritaanno socdaan.
Qoladii soo abaabushay ayaa raalli-gelin soo dhigay barta Facebook, hayeeshe waxay xuseen inaysan qaadeyn mas’uuliyadda daaris ee muusigga.
Qofkii daaray ayaa raali-gelin bixiyay wuxuuna sheegay in uusan marnaba uga gol laheyn in uu qof ku xumeeyo.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Related
2017-04-04
You must log in to post a comment.