crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marka uu Macalinku noqdo horseedka is-baddalka. | HimiloNetwork

Marka uu Macalinku noqdo horseedka is-baddalka.

Qandahar (Himilonews) – Gudaha dal ay dagaalladu la dageen – halkaas oo carruur badan aysan heli karin xaqii wax-barashada – macalin iskuul ayaa isku dayaya tiisa ugu fiican si uu is-baddal u sameeyo. Saber Hosseini, kaas oo magaalada Bamiyan ee bartamaha dalka Afghanistan carruurta wax ku bara ayaa baaskiilkiisa ka dhigay maktabad socoto ah oo uu la aado carruurta ku sugan meelaha fog.
“Waxaan fikirkaan la imid sanad kahor, waxaana igu gacan-siiyay asxaab gudaha iyo dibadda dalka ku nool. Waxaan ku bilaabay buugaag dhan 200 kuwaas oo aan u kala qaadayay meelo kala duwan ee katirsan gobalka Bamiyan. Durbana waxaan shaqaaleysiiyay dhowr samafalayaal ah; waxaana aynu ururinay kumaakun buugag ah,” ayuu yiri.
Saber wuxuu sheegay inuu u doortay adeegsiga baaskiilka sababo badan. Badi samafalayaashu ma awoodaan adeegsiga gawaarida. Inta badan gaarista meel kasta oo gobalka katirsanna waxaa kaliya lagu tagi karaa baaskiil. Hayeeshe waxaa kale oo jira ujeeddo kale oo ku sugan doorashadiisa. “Kooxda Taliban ayaa baaskiillada u adeegsata inay qaraxyada ku xirto. Waxaan rabay marka inaan rabshadaha ku badalo dhaqan iyo nabad,” ayuu yiri.
Saber wuxuu badi u jiheystaa meelaha ay ku nool yihiin carruurta aan dhigan dugsiyada kuwaas oo gaaray xilligii ay wax-baran lahaayeen. Wuxuu xusuusan yahay dhamaan buugaagta uu keeno isaga oo waqtiga xiga soo biiriya kuwa kale oo hor leh.
Kala duwanaanta buugta uu markasta uu la yimaado, dadka da’da ah ee aan helin fursadda wax aqriska iyo wax-barashada waxay ku jiraan kaalmaha ku xiga carruurta. Hayeeshe ku tiirsanaanta baahida ay ilmuhu u qaadeen wax-aqriska, waxay mar kasta ka codsadaan inuu buugaagta ay ka arkaan fogaan-aragga u keeno.
Hosseini kama saacido carruurtan inay wax aqriyaan. Wuxuu sidoo kale siiyaa waano iyo tala-bixin. Wuu la hadlaa isaga oo siiyaa tilmaamo ku saabsan nabadda, dulqaadka iyo sida ay kaga joogsan karaan isticmaalka maandooriyada. Taasina waxay soo muujisay natiijo horu-dhac leh.
“Markii xigay ee aan kusoo noqday, carruurtu waxay iisoo ururiyeen wax-yaalaha ay qoryaha iyo hub ahaan isugu adeegsadaan markay ciyaarayaan,” ayuu yiri isaga oo tilmaamayay sida ay ilmuhu kaga fal-celiyeen hal-ku-dhaggii uu u jideeyey ee ahaa: Maya ku dheh Qoriga; Haa ku dheh Qalinka.
Nasiib-darro, Hosseini wuxuu ku shaqeeyaa dakhli yar mana u helo buug kasta oo ay ka codsadaan carruurta. Waxaa kale oo jira halis kale oo la xiriirta shaqadiisa. Baqa-gelin iyo handadaad wicitaan oo loogu sheegayo inuu kaliya qeybiyo buugaagta Islaamiga ah ayuu kala kulmaa Ururka Taliban. Afadiisa oo sidoo kale ah macalimad ayaa kala siman baqa-gelinta seygeeda. Waxay xubno ay wada dhasheen oo kamid ah Taliban mar isku dayeen inay dilaan.
“Wax kasta oo jira, waxaan rabnaa inaan soconno,” ayuu yiri Hosseini. “Carruurtani waxay ku nool yihiin nolol aan hadaf u laheyn. Waxayna la nool yihiin bulsho sahay looga dhigay dhimasho, barakac iyo dhiillooyin. Waxaana muhiim ah inaan xagashaas kasoo leexinno.”
Saber-Hosseini-books2-600x300 Saber-Hosseini-books-600x300
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!