Rwanda oo laga mamnuucayo Aadaanka Salaadaha.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka, Uncategorized
March 17, 2018
415 Views
Kigali (Himilonetwork) – Dowladda Rwanda ayaa dalkeeda ka mamnuucday in aadaanka salaadaha loo adeegsado codbaahiyaal dheerdheer gudaha caasimadda Kigali.
Marka loo eego dowladda, tallaabadani waxay qeyb ka tahay dadaal ay Rwanda ku dooneyso inay kaga hortagto buuqa ku furan hawada ‘noise pollution’. Waana qeyb kamid ah hiigsiga 2040-ka oo dowladdu ku dooneyso in magaaladu ku noqoto xarunta ganacsiga iyo dalxiiska qaaradda Afrika – 22 kaddib.
Muslimiinta ayaa si guud u dhaleeceeyey tallaabadan, iyaga oo ku tilmaamay mid lagu ad-adag yahay dhaqan-gelinteeda.
Ku dhawaad 1,500 oo kaniisado ah ayaa albaabada loo laabay kaddib markii ay u hoggaansami waayeen sharciga.
Rwanda waxaa ku badan Masiixiyadda. Muslimiinta dalkaasina waxay gaarayaan 5%.
Related
2018-03-17
You must log in to post a comment.