crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 21 March: Maalinta Caalamiga ee Keymaha | HimiloNetwork

21 March: Maalinta Caalamiga ee Keymaha

Muqdisho (Himilonews) – Goob  tiro baaxad sarreysa leh oo geedo ah ayaa si guud loogu yeeraa Keyn. Keymaha ifka oo dhan ku camiran waxay cabbirka dhulka kaga fadhiyaan 30%. Si kastaba, waxaa jira hoos u dhac la tilmaami karo oo ku socda baaxadda keymaha oo awalba boqolkiiba 50% ka aheyd dhulweynaha dunida.
Keymahani waxay asal ahaanba hoy iyo gabaad u yihiin noolaha oo dhan – u eegis al’aan xittaa kuwa ilma-aragtida ah iyo badqabka carrasanta – taas oo kulmineysa mid kamid ah xaaladaha ugu muhiimsan ee hab nololeedka deegaanka. Keymuhu waxay door ku yeeshaan maareynta heer kulka meeraheenna ama dhulka aan ku nool nahay. Waxay nasiiyaan oksijiin iyaga oo dhima wax-yeellada gaaraysa deegaanka.
 Kaliyana uma ahan guri dhamaan noolaha ee sidoo kale keymuhu waa ilaha joogtada ah ee dihin nafaqo leh. Inaan si qoto dheer ugu kuur-galno ogaalkeeda, waxay na dhaxalsiineysaa garashada in kobta aan maanta ku nool nahayba – ay beri ahaan jirtay keymo.
Tiiyoo ay tani jirto, Maalinta Caalamiga ee Keymaha waxaa dunida oo dhan laga xusayay 21 March sanad kasta si wacyiga bulshooyinka kala duwan ee dunida loogu jiheeyo muhiimadda keymaha iyo dheeraad ku jira faa’iidooyinkeeda. Gunta aragtida Maalinta Caalamiga ah ee Keymaha waxay timid kal-fadhigii 23aad ee iskaashiga beeraha Yurub sanadkii 1971-kii.
Si kastaba, QM ayaa bishii 21 March sanadkii 2012 waxay bilawday xuska maalinta si loo muujiyo faa’iidooyinka keymaha iyo geedaha. Xaqiiqooyinka jira ee ku saabsan keymaha waa kuwa is daba-maal ah – oo in kasta oo dabargo ay ku jiraan meelaha qaar ay hadana helayaan dadaallo lagu ilaalinayo laguna tarminayo tiradooda.
Halka aad looga dooday in si toos loo abbaaro tirada geedaha sameeya keymaha, hadana saynisyahannadu waxay hoosta ka xarriiqeen inay jiraan boqollaal bilyan oo geedo ah. Nasiib-darrase, cilmi-baarista seynisyahannada ayaa tilmaantay in 15.3 bilyan oo geedo ah in la dabar-jaro sanad kasta – 46% geedaha dunida waxay noqdeen ciribtiran 12,000 sanadood lasoo dhaafay. Waxaase kasii naxdin badan in dunidu ay sanad kasta lumiso dhul baaxadeed ballaaran oo keymo ah. Waxayna badigood u le’daan falalka ay ku hayaan bani’aadanka.
Soomaalidu waxay kamid tahay bulshooyinka xaalufinta geedaha sameeya hab-nololeedka keymaha aad ugu fogaaday.
Marka aan eego sida bulshadeennu u tarmayso iyo siday u ciribtirayso deegaanka, waxaa iskukey qaadan waaya murtidii laga qabtay madaxweynihii 26aad ee Maraykanka, Theodore Roosevelt oo noolaa intii u dhaxeysay sanadihii 1858-1919 kaas oo yiri: “Dadka aan laheyn carruur dhaxasha waxay wajahaan mustaqbal rajo la’aan ah; dal aan laheyn geedo badanna, malahan kaalmo.”
In kasta oo aan ka cabsi qabin inaan dad ahaan u dabargo’no, hadana waxaan ka walwal qabaa inaan dal la’aan ku danbeyno. Waaayo waxa ku socda deegaanka uma baahna falanqeyn iyo iftiimin toona. Waxay halhaleel ugu baahan tahay wax ka qabashao iyo tarmin si aynan u wajihin mustaqbal qaraar badan.
Taas waxay imaan kartaa marka dowladda iyo ururrada kale ee bulshada ay muhiimadda hore ee mudnaanta ay siiyaan xaaladaha kale. Sida aan horay i iri; dal-laawaha mustaqbalka ma ahan midka misaarta u sita geedaheenna, waa kaan  aqoonin waxa deegaanku ugu fadhiyo, waxaynu baahannahay inaan bulshada ku baraarujinno muhiimadda geedaha, daryeelkooda iyo tarmintooda. Taas waxaan ku hubsan karnaa inaan u foojignaano yareynta iyo idleynta dhibaatooyinka ku shubmaya oo xaalufintu kow ka tahay.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Kala xiriir; farriin-danabeed: hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!