crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Merkel – “Islaamku waa qeyb kamid ah Jarmalka.” | HimiloNetwork

Merkel – “Islaamku waa qeyb kamid ah Jarmalka.”

Berlin (Himilonetwork) – Ka fal-celinta hadal kasoo yeeray wasiirka cusub ee Jarmalka,  Chancellor Angela Merkel waxay Islaamku ku tilmaantay qeyb kamid ah dhaqanka Jarmalka.
“Muslimiinta iyo diintooda waa qeyb kamid ah nolosha dadka Jarmalka,” Merkel ayaa u sheegtay saxaafadda iyada oo ka war-celinaysa hadalkii kasoo yeeray wasiir Horst Seehofer kaas oo Jimcihii sheegay inuusan aaminsaneyn in Islaamku qeyb ka yahay dalka Jarmalka.
“Islaamku halkan waxba kuma lahan,” ayuu u sheegay war-fidiyeenka wasiirka arrimaha gudaha – ahna hoggaamiyaha xisbiga Christian Social Union (CSU) ee Bavarian-ka.
Seehofer ayaa qeyb ka noqday xukuumadda wadaagga ah oo ay soo dhistay Markael, hadalkiisa ayaase noqday mid si guud looga canbaareeyo gudaha Jarmalka.
Dowladda Jarmalka ayaa ku tilmaantay Muslimiinta dalkeeda inay gaarayaan  4.3 million – hayeeshe tiro aan la sheegin ayaa tilmaamaysa inay ku nool yihiin wax ka badan 15 milyan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!