crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ramadaanka iyo Isboortiga. | HimiloNetwork

Ramadaanka iyo Isboortiga.

MUQDISHO (HN) — Laga yaabee inuusan u dhigmin baaxadda labada garoon ee ugu waaweyn caasimadda Muqdisho. Hayeeshe salaxani wali waa midka ugu weyn salaxyada magaalada oo galab walba inta lagu guda-jiro bisha Soonqaad ay ku dheelaan kooxo kala heerar ah oo ku tartamaya koobka Ramadaanka.

Galabta wuxuu kulankani dhex marayaa labo koox oo kala ah FC Khaliifa iyo Gool. Waana cayaar kamid ah is-aragga guruubyada. Gacal Ayman waa tabbaraha kooxda Khaliifa oo maanta leh gacanta sare. Wuxuu sheegay inuusan diyaargarowgoodu la kowsan bisha Soonqaad.

“Ramadaan kahor ayaan bilownay; waana ujeeddaa sida carcarta leh oo aanu hoggaanka ugu heyno cayaarta,” ayuu yiri Gacal oo sidoo kale ah kamid ah bahda warbaahinta.  

Marka loo eego Maxamed Iimaan Diini oo ah madaxa tartanka ee Salaxa Caalami, kulan walba oo halkan ka dhacaya waxaa xiisaha u yeela cayaartoyda ay kala wataan labada kooxood.

“Taageerayaashu waxay isweydiiyaan immisa laacib oo heerka koowaad ayay kooxaha maanta dheelaya lasoo shirtageen – si aan u daawanno,” ayuu yiri. “Maalintaas garoonka oo dhan wuu camirmaa.”

Laakiin kulamadani kaliya kuma saabsana tartan iyo koob. Cayaartoyda da’yarta ah waxay markan oo kale u arkaan fursad ay kusoo bandhigi karaan hibadooda si loogu baraarugo xirfadooda kubadda cagta.

“Ujeeddo badanta qabashada tartankan ayay kamid tahay in cayaartoy da’yar ah oo hibadooda meel ay hadda kahor kusoo bandhigaan aan helin ayaan rabnaa in la ogaado,” ayuu yiri. “Waxaana garoonka yimaada madax ka socta kooxaha heerka koowaad ee dalka.”

Badi kooxaha halkan ku dheela waxay isaga kala yimaadaan daafaha magaalada iyo mararka qaar duleedkeeda. Tabbabare Gacal oo kooxdiisu ay ka timid Afgooye wuxuu sheegay in gaajada iyo harraadku aysan halkan ka ahayn mas’alo la sheego.

“Majiro qof aan soonneyn – oo haddana aan dareemeyn oon iyo gaajo. Laakiin, waxaa la is dheer yahay aalamiito iyo ka qeybgalka kulamada joogtada ah ee kubadda cagta,” ayuu yiri.

Ka Diini ahaan, maskax fiyow waxay ku jirtaa jir fiyow. Waana muhiim in isboortiga loo arko lama huraan muhiim u ah is dhexgalka suuban iyo wada-noolaanshaha – u eegis la’aan bil Soonqaad iyo bil kale.

“Beddelkii ay dhalinyaradu meelo aan habbooneyn ku bixin lahaayeen waqtigooda,” ayuu yiri. “Halkan waxay u tahay goob nasiino iyo is dhexgal.”

Kubadda cagta iyo gudaha bisha Ramadaan waxay ahaayeen labo aan kala harin taniyo muddo oo salaxyada kahor xattaa lagu cayaari jiray garoomada waaweyn sida Munishiibiyo iyo Muqdisho Istaadiyum.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!