crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muuska lagu cuno Dhoobleey. | HimiloNetwork

Muuska lagu cuno Dhoobleey.

KISMAAYO (HN) — Waligay way ii dhinneyd inaan suuraysto magaalo kamid ah gobollada koofureed ee dalka oo mooska laga cuno looga keeno masaafo 200km ka badan u jirta. Gobollada Jubbooyinkana kumaba sii darsan xisaabta.

Waxay ila ahayd in magaaalo walba oo koofureed mooska laga cuno uu kasoo go’o beeraha ku yaal duleedkeeda, sidaas darteedna, qiimaha mooska uu ka joogo gobollada dhexe iyo waqooyiga inay aad uga jaban yihiin.

Laakiin saadaashaydaasu waxay ku geeriyootay gudaha Dhoobley oo kamid ah Jubbada Hoose.

Ku dhawaad khudaar walba oo lagu isticmaalo gudaheeda waxaa looga keenaa gosha webiga iyo magaalooyin ka fogfog sida Baardheere iyo Bu’aale. Qiimuhuna aad ugama duwana midka aad uga iibsato gobollada dhexe.

Balse intaan qiimaha kuu sheegin, iga hoo xogtan.

Dhoobley waxay masaafo dhan 800 u jirtaa caasimadda Somaaliya ee Muqdisho. Waana magaalo xuduudeed kamid ah Jubbooyinka taas oo aan dowladdii Kacaanka waqtigeedii kamid ahayn degmooyinkii la diiwaan-geliyay. Waxaa degaamaysigeeda la bilaabay 1970meeyadii. Isha kaliya oo dadka ku nool ay ku tiirsan yihiin waa ganacsiga uga kala yimaado Xamar iyo Nairobi.

Sannadihii dhawaa, si kastaba, waxay sameysay kobac muuqda oo dhinac walba leh. Taniyo markii al-Shabaab isaga baxeen 8 sano kahor, Dhoobley waxaa gacanta ku haya ciidamada dowlad-goboleedka Jubbaland oo kaashanaya militariga Kenya. Waxaana ay hirgaliyeen maamul dadka degaanku ay ugu yaraan ku heystaan nabad-gelyo, kala-danbeyn iyo xasilooni.

Si kastaba, Dhoobley cunnooyinka laga cuno, in yar oo kuweenna beeraha kasoo go’a marka laga reebo, waxay sida magaalooyinka kale ku tiirsan tahay waxa dunida kale looga soo dhoofiyo. Waxaase taas dheeraad ku ah, inay sidoo kale miraha qudaartana ay uga yimaadaan magaalooyinka u dhow iyo dabcan Kenya.

Markii aan maqlay qiimaha xabadka muuska ah aad baan runtii ula fajacay manaan fileyn in Jubbooyinkana ay moos yaraani ka jirto. Waagii aan yaraa markii aan joogay Galgaduud waxaan xabadkii mooska ah ku gadan jirnay laba-jibbaar iyo bar inta looga iibsado Xamar. Qof kastana ma uusan awoodi karin inuu iibsado.

Markii aan usoo wareegay nolosha caasimadda, waxaan filayay inaan hadda kadib ku qasbanaan doonin lacag badan inaan ku iibsado mooska maadaama aan usoo guuray gobollada ay webiyadu maraan.

Hayeeshe, taasi waxaa iga diiday Dhoobley oo gaadiid badan ay joogto uga yimaadaan gosha webiga iyo magaalooyinka u dhow sida Baardheere iyo Bu’aale iyaga oo sida moos. Qiimaha halkii xabbo waxaa la iibsadaa 4,000sh, marka uu roob badan da’o oo jidadkuna xirmaan, qiimuhu wuu kasii badan karaa intaas.

Si kastaba, waxaan fahmay in u eegis la’aan waqooyi iyo koofur, wax soo saarka dalku uu meelo badan isaga mid yahay marba haddii halkii xabbo oo moos ah gobollada dhexe iyo qeyb kamid ah Jubbooyinka ay isku qiimo yihiin.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!