crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shilinka Somaaliga iyo Shacabka Somaaliyeed. | HimiloNetwork

Shilinka Somaaliga iyo Shacabka Somaaliyeed.

MUQDISHO (HN) — Joogitaankaygii Dhoobleey wuxuu wax badan iiga dhignaa waya’aragnimo qiimi leh; waxaase runtii aan kala imid hal weer ama kalmad oo wacyigayga wax badan ku kordhisay.

Innaga oo duubayna xirmo ku saabsan shilinka Somaaliga, waxaa mar qura hadal nagu soo tuuray nin kamid ah ganacsatada degmada kaas oo dadka degaankana kamid ah. Wuxuu yiri: haddii aanu jiri lahayn shilinka Somaaliga ama lacagta baalweynta ah, Somaalidu maba ku heshiin lahayn dalka; waxaana joogto u noqon lahayd dagaal iyo dhac.

Isaga oo raba inuu marag u raadsado oraahdiisa ayuu yiri: “sida ay u tira badan tahay uma taya-xuma. Waxay leedahay barako. Kawaran boqol kun ayaad qado, quraac iyo casho ka dhiganaysaa waliba wax kaaga soo haraya.”

Runtii aad baan ugu riyaaqay weedhiisa. Waaana garowsaday dhab ahaanteeda. Laakiin waxaa jirta xaqiiq aan la iska indha-tirin oo ku saabsan samata-bixiisa.

Shilinka Somaaligu, gaar ahaan kunka shilin, oo hadda ah baalweynta kaliya ee la adeegsado, wuxuu runtii ku sugan yahay maalmihii gabagabadiisa. Boqolkii kun ee kastaba, waxaad ka dhex heli kartaa toban kun oo jeexjeex ah oo aan qiimi-gal noqon karin iyo ku dhawaad labaatan kun oo sii duugoobaya. Taas micnaheedu waa in 40% lacagta shilin Somaaliga ah ay ku sugan yahay dhamaati, halka inta kale ay hartayna uu dhamaatigu ku bilowday goor hore.

Adeegsiga shilinku wuxuu runtii si isla’eg uga jiraa gees-ka-gees badi Jamhuuriyadda Somaliya. Waxaan moodi jiray in magaalooyinka xuduudaha ku teedsan ay goor hore iskaga tageen isticmaalka shilinka, taas beddelkeedana ay adeegsadaan lacaga qalaad sida Kenyaatiga iyo Itoobiyanka. Balse warka fiican wuxuu leeyahay u eegis la’aan – xuduud iyo xeeb – intaba, shilinku wuxuu wali leeyahay qiimigal muuqda, wuxuuse u baahan yahay tayayn iyo soo saarid cusub si loogu tiirsanaado.

Dhoobley waxay leedahay tijaabo fiican oo xagga adeegsiga shilinka ah madaama iyadoo qeyb ahaan iskaga kaaftoomi karta isticmaalkiisa ay doorbiday inaanay dayacin. Waana ku mahadsan yihiin middaas. Waxaase aan wali la maqal qeylodhaanta kasoo yeeraysa shilinka Somaaliga oo taniyo bururkii dalka aan helin daryeel iyo xaqdhowr.

In kasta oo qeyb ahaan gobalka Gedo siiba magaalooyinka Baladxaawo, Doolow iyo Luuq siyaalo isku dhow looga adeegsado shilin Kenyaatiga iyo Birta Itoobiyaanka, haddana taasi kaam horjoogsan inay toodana ku dhinac isticmaalaan.

Haddii shacabka Somaaliyeed ay si nafhurnimo ugu dhiirradeen inaysan dilin rejada iyo qiimiga shilinkooda, maxaa dowladnimada kahor taagan inay siiso mudnaantii shilinku lahaa?!

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!