ISTANBUL (Himilonetwork) – Meel kumaankun mile u jirta guryahooda, carruurta Uygur sida Shkur Abliz waxay ugu danbeyn helayaan fursado ay ku bartaan afkooda hooyo iyo barashada diinta Islaamka gudaha Iskuulka Tangnuri ee caasimadda Istanbul – barashada luqadda ama afka Uygur iyo Qur’aanka ayaa labadaba laga mamnuucay gudaha gobalka Xinjiang ee Shiinaha.
Asya Abliz, oo ah hooyada dhashay Shkur waxaa ka go’an inay wiilkeeda ku ilaaliso heybtiisa iyo caqiidadiisa Islaamka inta ay qaxootiga ku yihiin Turkiga.
Qoyskan oo kasoo qaxay Shiinaha shan sanno kahor, waxay kasoo jeedaan magaalada qaniga ku ah shidaalka ee Karamay, gobalka Xinjiang, oo ay ku nool yihiin tira-yarta Muslimiinta ah ee Uygur.
Qulqulka soo-galootiga Uygur ee dalka Turkiga wuxuu soo socday muddo 20 sanno ka badan, qaar badan oo kamid ah bulshada Uygur ayaa laga heli karaa meelo kala duwan ee Turkiga kamid ah sida caasimadda Istanbul.
Hadda waxay fursad dahabi u arkaan inay halkan ku bartaan afkooda iyo diintooda.
Waxayna naawilayaan in maalin maalmaha kamid ah ay dhulkooda ugu laabtaan si xor ah – iyaga oo xanbaarsan heybtooda Uygur-nimada iyo muslimnimadooda.
Gudaha Turkiga, waxaa muuqata inay ku helayaan soo dhaweyn ballaaran iyo dul-qaad.
You must log in to post a comment.