crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Daawo – Geed dhexdiisa ay Biyuhu kasoo burqadaan. | HimiloNetwork

Daawo – Geed dhexdiisa ay Biyuhu kasoo burqadaan.

MUQDISHO (HN) — Xaafadda yar Dinosa ee katirsan Montenegro waxay hoy u tahay geed weyn oo la yiraahdo mulberry kaas oo dhexdiisa ay kasoo burqadaan biyo marka walba oo roob mahiigaan ah uu da’o.


Sida caadadu tahayba, iluhu kama soo baxaan meel aan dhulka aheyn, balse in geed dhexdiisa ay kasoo burqadaan waxaa loo celin karaa asbaabo naadir ah sida cufka awoodda biyuhu ku socdaan oo soo jibaaxa meelaha nugul ee si siman ay kaga dhex dusi karaan.

“Waxaan arki jirnay geedkan oo biyuhu kasoo burqadaan muddo ku siman 25 sannadood,” ayuu yiri Emir Hakramaj isaga oo la hadlaya Radi free Asia. “Geedku wuxuu cimrigiisu u dhaxeeyaa 100-150 sannadood. Jiridda dhexe geedka ayaa il ka furantay waxaana biyuhu uga soo burqanayaan si qurux badan.”

Sidan oo kale waxaa lagu arkay Tuhala oo ah magaalo ku taalla Estonia. Balse Hakramaj ayaa qaba inaysan wax fara-gelin ah ku laheyn dabeecadda geedkan uu lasoo baxay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!