MUQDISHO (HN) — Solothurn oo ah magaalo dhacda waqooyi-galbeed Switzerland waxay caan ku tahay tirsiga 11aad. Ku dhawaad wax walba oo aad ku aragto waxay tiro ahaan la’eg yihiin 11. Waxay leedahay 11 kaniisadood; 11 matxaf; 11 taallooyin ah; 11 il-biyoodka burqada ah ama nawaafir ee sida biya-dhaca usoo daadiya biyaha; iyo xittaa saacadda weyn ee faras-magaalaha ku dhagan oo ku eg 11 saacadood. Waxaana laga saaray 12-saac ee sida caadiga ah goor-sheegtooyinku ku eg yihiin.
In kasta oo qof walba oo magaaladan ku nool uu si wacan ula qabsaday sumadda 11, haddana qisada ay ku timid ayaa ah mid aan la isku waafaqin ilaa iyo hadda. Balse si kastaba, taariikh ahaan waxaa dib loogu celin karaa qarniyo kahor.
Markii ugu horreysay oo sooyaalka lagu xuso waxay ku beegneyd sannadkii 1252 kolkaas oo golayaasha degaanka ee magaalada ay kusoo baxeen 11 xubnood oo metela. Kaddibna sannadkii 1481, Solothurn waxay u kala qeybsantay 11 degmo. Qarni kaddibna waxaa loo kala qeybiyay 11 maxmiyadood.
In kasta oo 11 beelood oo ab-ogaa ku ah halkan ay ku noolaayeen muddo badan, haddana qisada dhabta ah ee keentay in summad ahaan 11 looga dhigo magaaladan wali ma cadda.
La-qabsiga tirada 11 kuma ekaan oo kaliya taariikh ahaan, waa mid laga dhex heli karo nolosha caadiga ah ee dadka ku nool magaalada. Waxaana inta badan ay dhigtaan xaflado lagu soo beegayo tirada 11; sidoo kale waxaa jira adeegyo iyo wax soo saar kale oo ay isticmaalaan kuwaas oo lagu jaaday ama astaan looga dhigay tirada 11.
Dhaqanka cajiibka ee xiriirka ka dhaxaysiiyay nambarka 11aad iyo magaaladan, wuxuu usoo jiiday indhaha dal-xiisayaal badan kuwaas oo u yimaada inay sahmiyaan xiriirkan cajiibka ah sida uu kusoo bilowday.
You must log in to post a comment.