crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada Mudanihii – si arxan-darro ah – u gubay Wajiga Shaqaalihiisa! | HimiloNetwork

Sheekada Mudanihii – si arxan-darro ah – u gubay Wajiga Shaqaalihiisa!

TOKYO (Himilonetwork) – Nin 23 jir ah ayaa mudanihiisii hore kusoo oogaya dacwad ah inuu saxan maraq kulul ku jiro uu – si qoor-qabad ah – wajiga ugu ganbiyay – xilli ay socotay xaflad lagu qabtay xafiiska shirkadda qaab fara-ka-ciyaar ah. Tani waxay ku keentay inuu wajiga ka gubto. Wuxuuna u baahday inuu muddo bil ka badan ku bogsado.
Dhacdadan naxdinta leh waxay dhacday bishii December sannadkii 2015-ka, waxaana dhawaan lagu wadaagay baraha bulshada – halkaas oo ay si ballaaran ugu baahday. Muuqaalka ayaa muujinaya saaxiibo fadhiya meel maqaaxi ah. In yar kaddibna waxaa la arkayaa mudanaha shirkadda oo inta uu qoorta ka qabto wajigiisa ku ganbinaya saxanka. Wuxuu sidoo kale si arxan-darro ah ugu jiidayaa saxanka kahor inta uusan ninkani xoog iskaga fujin gacantiisa.
Marka loo eego warbaahinta Japan, dhibanaha ayaa kol hore ka shaqeynayay shirkadda mudanihiisa wax-yeelay. Markii, si kastaba, muuqaalkan uu ku baahay baraha bulshada, dhibanaha iyo qareenkiisa ayaa qabtay shir jaraa’id – iyaga oo sheegay inay maxkamad la tiigsanayaan mudanaha.
Macada sababta uu intaan oo dhan la aamusanaa dhibanaha oo sida muuqata nabar muuqda uu kasoo gaaray fara-ka-ciyaarka mudanihiisa.
“Marka aan arko saxan kulul, waxay isoo xusuusinaysaa xanuunkii maalinkaas i gaaray,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas kusii daray inuu doonayo in mudanihiisii hore uu qaladkiisa ku hor qirto.
Muuqaallada kale oo dhacdadan ku saabsan ayaa muujinaya mudanaha oo tiro ka badan hal jeer si arxan-darro ah wajiga ninkan saxanka kulul ugu jiidaya. Mana jiro qof kamid ah asxaabta xafladda wada joogta oo ka diir-naxaysa ama la xanuunsaneysa dhibanaha.
Qaarkood ayaa qosol iyo reynreyn muujinaya marka uu mudanuhu kasoo ruqaansado ficilkiisa arxan-darrada ah.
Baraha bulshada Japan ayaa siyaalo kala duwan uga hadlay falka wuxuushnimada ah ee mudanaha. Waxayna maxkamadda ugu yeerayaan inay cadaaladda hor keento.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!