Masha Allah – Wiil 7 sanno jir ah oo Qur’anka oo dhan Dusha Ka-xifdiyay!
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
December 4, 2018
482 Views
MUQDISHO (Himilonetwork) – Wiil yar oo 7 sanno jir ah ayaa dusha ka qeybay Qur’anka oo dhan gudaha magaalada Luton, dalka England – isaga oo raacaya tallaabada walaashiis ka weyn oo da’dan oo kale ku wada xifdisay Qur’anka.
“Ilaahay baa ii suura-geliyay mana fileyn in da’dan oo kale uu wiilkayga ku wada xifdin doono Qur’anka,” ayay ku tiri hooyada dhashay Yusuf Islam muuqaal ay baahisay Ilmfeed.
“Ilaahay baa balan-qaaday inuu dariiqiisa u sahlayo kuwa diinkiisa baranaya,” ayay sii raacisay.
Yusuf walaashiis ka weyn oo la yiraahdo Maariya ayaa guushaan oo kale ku gaartay da’da 7 jirka. Waxayna kaalin weyn ku lahayd xifdintiisa Qur’anka.
“Waqtiyada aan mashquulka ahay, Maariya ayaa usoo bixi jiray inay kaalintayda buuxiso, waxayna u aqrin jirtay Qur’anka,” ayay tiri hooyadan.
Balse guushaan adag – oo ugu danbeyn heshay abaal-gud muuqda – kuma dhalan si sahal ah.
“Waxaan waqtigayga iyo aqoontayda ku bixiyay sidii ay carruurtaydu u noqon lahaayeeen kuwa yaqaan aqoonta diiniga ah iyo midda maadiga labadaba,” ayay tiri.
Muuqaalka oo markeedii ay soo dhigtay barteeda bulshada ee facebook ayay ku heshay hambalyo iyo bogaadin. Waxayna sidoo kale tala-bixin ka siinaysay hooyooyinka Muslimiinta ah sida ugu fudud oo ay carruurtooda ku qeybi karaan Qur’anka.
Related
2018-12-04
You must log in to post a comment.