crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Askari Maraykan ah oo Amerikaan-ka u sharraxaya Diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Askari Maraykan ah oo Amerikaan-ka u sharraxaya Diinta Islaamka.

FAYETTEVILLE, North Carolina (Himilonetwork) – Wuxuu shaqada ciidannimada Maraykanka isaga tagay sannadkii 2015-ka. Hadda Jason Criss Howk wuxuu helay aragti cusub oo fog – inuu dadka Maraykanka u sharraxo diinta Islaamka iyo Muslimiinta.
“Waxay igu dhalatay aragtidan markii aan ogaaday in American-ku aysan aqoon fiican u laheyn Islaamka iyo Muslimiinta,” ayuu yiri.
Go’aankiisa ah inuu dadka Maraykanka baro micnaha dhabta ah ee Islaamka iyo kaalinta Muslimiinta waxay soo bilaabatay sannadkii 2015 markii looga yeeray Maktabadda Pinehurst library.
Isaga oo marar badan ka hadlaya dhowr kaniisadood oo Maraykanka ku yaalla, Howk wuxuu sheegay in aqoonta Islaamka ay ku yar tahay muwaadiniinta Maraykanka.
Xiisaha uu u qabo diinta Islaamka iyo barashadeeda wuxuu soo bilowday isaga oo katirsan ciidamada Maraykanka horraantii 90-meeyadii. Wuxuuna qoray buug la yiraahdo The Quran: A Chronological Modern English Interpretation.
Marka uu ku sugan yahay fagaarayaasha, wuxuu beegsadaa dadyowga aan aqoonta fog u laheyn micnaha xeesha dheer oo ay xanbaarsan tahay diinta Islaamka. Wuuna u sharraxaa in badan.
Kaalintiisu wuu inuu ifiyaa fahamka guud ee aragtida bulshada ay ka aaminsan tahay diimaha iyo dhaqamada siiba Islaamka.
Dad badan ayaana la dhacsan kaalinta uu ciyaarayo.
“Waxaan arkay dad jira 70-80 sannadood kuwaas oo beddelay aragtidii ay awal hore ka qabeen Islaamka markii aan la fariistay.” ayuu yiri.
Hayeeshe in kale ayaanan dooneyn inay waqti-geliyaan dhageysigiisa.
“Waxay ila tahay in tallaabadani ay tahay wax-barasho oo kaliya. Waxaan rabaa dadku inay fahmaan fahamka dhabta ah si ay go’aankooda gaarka uga gaaraan ogaal kaddib,” ayuu yiri.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!