crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ruushka oo samata-bax ka doonaya bangiyeyn Islaamiya!! | HimiloNetwork

Ruushka oo samata-bax ka doonaya bangiyeyn Islaamiya!!

Muqdisho (Himilonews) – Dadaal ay ku doonayaan inay ku badbaadiyaan dhaqaalaha Ruushka, xubin kamid ah barlamaanka Ruushka ee Duma ayaa u gudbiyay xul-murtiyeed qabyo ah oo lagu taageerayo maaliyadayn Islaami ah si looga gaashaanto cadaadiska cunaqabad ee reer Galbeedka.
“Inta lagu gudajiro xiyiraadda dhaqaale ee ay nagu hayaan Galbeedka iyo Maraykanka, bangiyadeennu waa inay helaan waddooyin ay kusoo jiitaan maal-galiyaasha,” Dmitry Savelyev oo guddiga dhaqaalaha suuqyada u qaabilsan Duma ayaa u sheegay Reuters.
Ruushka ayaa wajahayay koror cuna-qabateyn maaliyadeed ah oo ay kusoo rogeen dowladaha Yurub kuna lug leh qalalaasaha Ukraine.
Ka diidista warshado waaweyn oo Ruush ah inay galaan Suuqyada Raasamaalka Caalamiga, dheelli ku yimid qiimihii saliidda ayaa hoos usii gujiyay dhaqaalaha Ruushka.
Isku-dayista furitaan ee suuqyo cusub, xeerka qabyada ah waxaa loo diray aqalka hoose ee barlamaanka Duma si loo taageero ogolaanshiyaha bangiyo ku lug yeesha howlaha ganacsiga kuwaas oo shareecadu sal u tahay.
Xul-murtiyeedka qabyada ah waxaa la marsiin doonaa saddex meeris gudaha barlamaanka Duma deedna waxaa loo gudbin doonaa aqalka sare halkaas oo looga sii diri doono xafiiska madaxweyne Putin si loo dhaqan-galiyo.
Sugista rajo siyaasadeed, xul-murtiyeedka cusub wuxuu u baahan yahay doonis siyaasadeed si loo ogolaado habka maaliyadeed ee Islaamka.
“Aragti ahaan iyo farsamo ahaan waa u maan-gal dowladda inay diyaariso xeer bangiyeedka Islaamka hayeeshe waxaan oo dhami waxay ku tiirsan yihiin rajo siyaasadeed,” ayuu yiri Murad Aliskerov oo horfiiq ka ah maaliyadda LaaRiba oo ah shirkad ku taalla jamhuuriyadda Degestan ee Ruushka.
“Bangiyada Islaamka waxay leeyihiin saameys bulsheed oo ballaaran waxayna rogaal u yihiin bangiyada dhaqamadeenna.”
Hadda waxaa socota daraasad ay kawada qeyb qaadanayaan maal-gashadayaal ka kala socda Malaysia iyo Ruushka si loo xaqiijiyo fududeynta xul-murtiyeedkan qabyada ah oo ku aadan hir-galin maaliyadeed ee bangiyo Islaami ah ayuu yiri Yakupov oo ah amaah-bixiye Ruushiyaan ah.
Daraasaddu waxay diyaar noqon doontaa Septemper taas oo labada dhinac siin doonta dajinta shax faahfaahsan oo dhidibada u taagta bangiyo Islaami ah gudaha Ruushka.
Islaamka ayaa Muslimiinta u diida dulsaarrada ribada ah iyo ka dheef-jiidashada ribix-doonayaasha. Bangiyada Islaamka ayaan qaban ama bixin deeqaha ku lugta-leh Khamriga, Qamaarka, Jinsiga, Maandooriyaha, hubka iyo wixii lamid ah.
Hir-galin kadib, Ruushku wuxuu ku biiri doonaa dalal horay u qaaday tallaabadiisa kuwaas oo faa’iido la taaban karo ka gaaray hir-galinta bangiyo Islaami ah oo iyaga u gaar ah.
Waxaa qoray Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!