crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Noqoshada Muslim Hindiya ku nool waa halis hiirtaanyo leh!! | HimiloNetwork

Noqoshada Muslim Hindiya ku nool waa halis hiirtaanyo leh!!

New Delhi, India (Himilonews) – Kusoo ganbashada maangalka ah ee adeegsiga ereyga argagaxiso, dowladda Hindiya waxaa lagu eedeeyey cunsuriyayn ay ku hayso aqlabiyadda yar ee Muslimiinta Hindiya taas oo ah xirxirista dhalinyaro badan muddo dheer iyaga oo aan xeer-beegtida la marin si loo garsooro.
“Waxaa ku jira xabsiyada dad badan oo anigoo kale ah,” Maxamed Amir Khan oo maxkamaddu sii daysay kadib shan sano oo uu gaal-shiraha ku jiray xukun la’aan ayaa u sheegay Deutsche Welle.
“Kuwa gaboodfala waa in la eedsiiyaa balse ma ahan danbilaawaha. Waayo tani ma ahan su’aal ku saabsan hal qof: waa qoyska oo dhan waxa silcaya,” ayuu sii raaciyay.
Khan waa mid kamid ah boqollaalka dhalinyarada Muslimka ah oo gaal-shirrada Hindiya lagu hayay sanado badan garsoor la’aan.
Dib-ugu-socdaalka waddooyinka waaweyn isaga oo xor ah, Khan oo 32—jir ah, wuxuu indhahiisa ku maragsaday sida ay isku badashay dunida ka baxsan xabsigii uu ku jiray.
Waxaa markiisii ugu horreysay la qabtay isaga oo 18-jir ah kadib markii bilayska Delhi ay ku sheegeen argagaxiye.
Wiilka ah milkiile dukaan Delhi ku yaal, waxaa lagusoo eedeeyey maleegista qaraxyo dhowr ah oo kala danbeeyey kuwaas oo gaaraya ilaa 19—qaraxyood.
Wuxuu jeelka ku jiray 14-sano halkaas oo uu xabsiyo kala duwan kusoo qaatay noloshiisii adkeyd ee maxbuusnimada. Maxkamadda Delhi ayaase ugu danbeyn sii daysay kadib markii ay sheegtay in lagu waayay caddeymo muujin kara eedeymihii loo heystay. Balse wali ku tilmaamistaas argagaxisanimo, waxay burburisay noloshiisa.
Khan kali kuma ahayn dhibaatadan. Horraantii sanadkan, tiro dhalinyaro Muslimiin ah ayay xeer-beegti ku taalla Hyderabad sii daysay kadib shan sano oo ay xabsiga ku qaateen kuwaas oo iyaguna, si lamid ah Khan, loo haystay maleegista falal argagaxisanimo.
“Waa la xiray; jirdilay; si been-abuur ahna loogu suntay kiis aysan ku lug lahayn. Waxaa kale oo ay gaadiid lagu rarto eedeymaha u yihiin isla dowladda oo u aragta kuwo liddi ku ah qaranka Hindiya,” ayuu yiri geyfane Shabnam Hashmi.
Marka loo eego warbixinta RTI, 1,222 qofood oo eedeysanayaal ah 530 kamid ah waa Muslimiin si been abuur ah loo beegsaday.
Si lamid ah, 2,200 oo ah kiisas aan la xeerin, 530 kamid ah waa Muslimiin dhalinyaro u badan oo si been abuur ah loo beegsaday.
Dalka Hinduuga u badan ee Hindiya waxaa ku nool 140-malyuun oo Muslimiin ah. Taas oo ka dhigan dalka saddexaad ee ugu badan Muslimiinta aduunka kadib Induniisiya iyo Bakistaan.
Sii daynta eedlaawayaasha kaliya kuma filna Muslimiinta Hindiya. Waxaa jira beegsi kale oo dilal iyo weeraro ah oo lagu hayo Muslimiinta Hindiya.
Mowduuca ugu tiiraanyada daran Hindiya ayaa lagu tilmaamaa “Maxay ka dhigan tahay ahaanshaha Muslim ku nool Hindiya maanta?!” Dukumintigan ayaa muujiyay godob laga galay Muslimiin lagu ugaarsaday magaca argagaxisanimo. Qaar ayaa xabsiyada lagu ilaawaa jeer ay ku dhintaan; halka kuwana lasii daayo kadib jirdillo ay ku qaataan noloshooda xabsiga.
“Ma ahan wax la qaayibo marka la maqlo weeraro argagaxiso in tiro dhalinyaro Muslimiin ah la qabqabto oo magacyadooda laga baahiyo war-fidiyeenka iyaga oo lagu tilmaamayo maleegayaal,” ayuu yiri G. S. R. Darapuri oo ah sarkaal hore oo bilayska ka tirsan.
“Tani waa beegsi muuqda. Waa inay joogsataa namuunka Cunsuriyadeed ee kala dilaya dadyowga Hindiya.”
Isha: Himilonews.com
Qalinkii: Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!