crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kulanka labada Haldoorro!! | HimiloNetwork

Kulanka labada Haldoorro!!

Muqdisho (Himilonews) – Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa marti-galisay markii ugu horreysay wiilasha ugu caansan raadeynta dunida. Suldaan Kusii, oo ah ninka ugu dheer dunida, kaas oo dhirirkiisa lagu qiyaaso 2.46 mitir oo qumaati ah, wuxuu xaflad is-barasho ah ku qaabilay ninka koobka ku qaatay caksigiisa sara-joognimo ee gaabnimada—ahaana marti sharaf socdaal dheer uga yimid. Waa ninka reer Mangooli ee Hii Ben Bing oo ah milkiyaha rikoorka gaabnimada Aduunka—oo sare-kacan hal dhirir aan ka badneyn 74 cm.
Kulanka labadaan haldoor ayaa muujiyay kala duwanaan caad-yaal ah oo uumistooda kala tafiirtay.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan kulan la yeesho dhiggayga Hii Ben.” Suldaan Kusii, oo dhalasho ahaan Turki ah, ayaa yiri isaga oo dareenkiisa tilmaamaya.
Ugu horreyn, Suldaan waxaa ku adkaatay inay is-bartaan martidiisa Hii Ben. Wuxuu loodin waayay dhugashadiisa bal inay is-maqal dhaafsadaan. Hayeeshe, agaasinka ayaa xal u helay kala dheeraantooda—say u hubsadaan isku dhignaantooda laboodnimo—uguna fududeeyaan sidii ay isku weydaarsan lahaayeen tabaalaha nolosha ee cir iyo dhul ka jira.
“Aad ayaan u faraxsanahay. 21—jir ayaan ahay. Waana ku kalsamahay heerka aan joogo,” Hii Ben oo Mangooli ah, kuna galay kaalinta koobaad ninka ugu gaaban dunida buugga WGR ayaa yiri isaga oo ku fadhiya miis dheer oo isaga iyo Suldaan ay warfidiyeenka kula hadlayeen.
Xittaa inay isa-salaamaan, Hii Ben, shantiisa farood oo dhami waxay u muuqdeen suul gacan-qaaday sacabada Suldaan, laakiin wax kasta oo ay ahaayeenba, waxay kusoo baxeen niman rageedyo inkasta oo ay kala duwanaayeen muuqaal ahaan. Qalbiyadoodana waxaa ku sugan in Ilaahay uunkiisa uu arrin ka leeyahay.
Isha: Himilonews.com.
Qalinkii: Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir; Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!