Dhacdo: Geeri nimaan tahriib tegin iyo daltebey ku roon tahay!!

Muqdisho (Himilonews) – Markii ugu horreysay ee aan maqlay dhimashadiisa, way igu adkeyd inaan si fudud ku rumeysto. Waayo wuxuu ahaa nin damac yar: ku feejigan kaliya waxa hortiisa ah: meel dheer oo halis ka sokeysana aan naftiisa ku biimeyn. Waana sidaan sababtii ay iiga soo degi waysay inaan si fudud ku rumeysto inuu xadaafiir ku go’ay. Balse runtu waa lagama hiishaane, ban-gabaahiir ah ayuu ku baxay.
Ninka aan ka hadlayo waa nin aynu saaxiibo ahayn oo Gallad la yiraahdo. Wuxuu dukaan ganacsi ku lahaa xeryaha qaxootiga. Halkaas oo nolol isku-dubba-ridan ay uga bilaabatay. Wuxuu markiisii hore ka hayaamay Soomaaliya. Hayeeshe, muddo sanado ah oo uu ganacsi milga leh ka sameeyey Dhadhaab, talo habeen dhalad ah ayaa kusoo booday. Taas oo sababtay inuu dhankaas iyo Liibiya u jiheysto.
Wuxuu koox ay tahriib ku heshiiyeen kasoo raacay Kenya. Isaga ahaan, waxaa u sawirmaa muuqaallo kala duwan oo ifafaalo fiican galinayay. Wuxuu markuu daalaba, dib-u-baarayay hankiisa ah inuu diihaal dabadiis Yurub ku danbeyn doono. Isaga oo naftiisa ku walwaalayay inaysan u joogsan silica raranka iyo saranseerka ay ku sugan tahay. Wuxuu ku geeddi galinayay inay maalmo kooban dabadiis, dunida ninka cad ku dagi doonaan. Deedna halkaas uu kaga xuub-dhacsan doono hal-madowga Afrika iyo haqab-xumida dunida saddexaad. Wuxuu sidaas kusii warwaraba, wuxuu yimid halkii uu ka qodnaa iilkiisa.
“Waxaad Aadanow maagan tahay adiga iyo maankaagu iyo meel aan Ilaahay ku marin kala mid weeyaan.” AUN Abwaan Abdikadir Hirsi Ise Yamyam.
Dhimashadiisu waa tii iigu xanuunka badneyd ee aan maqlo. Dalaaley ayaa gaari konteenar kotoro-baan ah kasoo saaray xadka Suudaan iyo Liibiya. Qafilnaanta uu wada shakaalan yahay iyo kuleylka saxaraha oo lagu daray hurka ka baxaya matoorka gaariga ayaa ka dhigtay mid wada kaliil ah. Naqas ayaana ku xirmay kadib cabbursanaan hawo yari ku furtay. Taas oo sabab u noqotay geeridiisa. 16—qof oo kamid ahaa 21—kii qof ee gaariga la saarnaa ayaa la dhintay: halka afar kale oo la saarnaa isla konteenarkana ay naf-ku-reeb ku badbaadeen.
Gallad, geeridiisa dabadeed, wuxuu ku biiray kumaanka kun ee Soomaalida ah kuwaas oo naftooda ku waayay saxaraha Liibiya. Talo-xumida iyo ka fiirsi la’aanta baaxadda ay la egtahay dhibaatada ka sokeysa gaarista Yurub, dhalin yaro badan oo Soomaali ah waxay ogaal la’aan naftooda ugu biimeeyaan inay tahriibaan. Hanqal-taaga iyo laab-la-kaca ku dhasha qalbiga dhalinyarada ayaa ah bilowga halis ku jirta hayaan dheer oo rafaad iyo diihaal sahay u ah. Xittaa caga-dhigashada ciidda Yurub, hubaal waxa u sawiran iyo waxa ay la kulmaan waa kaaf iyo kala dheeri.
Dal dadkiisu la’yihiin nidaam dowladeed haqab-tira baahiyahooda nolosha, waa iska caadi in muwaadinintiisu nolol nidaamsan iyo mustaqbal iftiimaya u raadiyaan dibadiisa. Shaqo la’aantu waa dhibta ugu weyn. Dhalinyarada ayaa Yurub u arka kob laga sameeyo is-badal waara iyo dhismaha raasamaal dhaxal-gal u ah noloshooda—tusmo bartilmaameed dad badani Yurub ka heystaan.
Afrika ayaa hadaba loo arkaa meel dadkeeda ku kalifaysa inay nolosha ku xaraarugaan. Martina u ah cudur iyo ceyr. Taas oo u baahan in laga hayaamo ayaan-darradeeda. Inta ku noolna loo arko duni wali ka danbeysa nolosha casriga ah. Tani waxaa qalbiga ninka Afrikanka ah ku malaasay Ninka cad oo Afrika ku magacaabay dunida saddexaad. Balse wax kasta oo Afrika lagu sheegayo, dhibteedu ma ahan qeybta ay dhulka kaga taal, hayeeshe, dadka ay qeyb ahaan dadyowga aduunka kaga heshay ayaa sal u ah dib-u-dhaceeda. Waayo Afrika waa guriga Aadnaha iyo aasaaska gunta ah ee horumarka dunida.
Inkasta oo aysan yareyn tirada dhimasho ee Soomaalida tahriibta, hadana waxaa hubaal ah inaanay yarayn inta tahriib inooga dhimata. Mar kasta oo qof aad bar-taqaan uu tahriib u haliilo, waxa ugu walaaca badan ee qalbigaada dilaya waa samata-bixiisa. “Geeriye nimaad garaneyn iyo geeljirey ku roon tahay” waxay dhab ahaan u jirtay xilli dadku fikir buuran aanay ka aqoon jirin tahriibta iyo is-miidaaminta. Balse maanta tiiraanyada isasoo taraysa ee dhimashada dadkeenna: waxaa badalaysa hal-ku-dhig ah, “Dhimashiyi nimaan tahriib tegin iyo dal-tebey ku roon tahay.” Waayo ku dhimashada gudaha dalkaaga ayaa bad-qabkaada iyo niyad-samida dadkaada ku dhan. Hadase, Soomaali badan, sida Gallad, wuxuu naftiisa u jiiday kob cidla ah: taas oo xittaa sabirsiin aan u noqon dadkiisa. Halka inta safarka kula jirtay ee sida dhibka ah ku gudubtay saxarahana, ay wali ku adag tahay inay nafta u sheegaan inay sama-tagi doonaan iyo in kale!
Si kastaba, ku dhimashada tahriibtu waa mid sii soconaysa inta aanay jirin fal-celin quman oo loo wada guntado in lagu badbaadiyo da’yarteenna. Balse taasi waa sugista rajada samata-bixiyaasha. Inta laga helayase, hooyo kasta oo wiil Gallad oo kale ah dhashay, waxay la iilan doontaa uur-xumada wiilkeedii ay xoog iyo xabaalba weysay.
Qalinkii: Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!