crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laba da’yar Muslimiin ah oo cunnooyin bisil gaarsiinaya kuwa da’da ah. | HimiloNetwork

Laba da’yar Muslimiin ah oo cunnooyin bisil gaarsiinaya kuwa da’da ah.

MUQDISHO (HN) — Xilli Muslimiinta ku nool Bradford ay u dabaal-degayaan bisha Soonqaad, labo arday oo da’yar Muslimiin ah ayaa doonaya inay bil xusuus leh uga dhigaan Ramadaanka dadka ayaanka liita iyo kuwa taagta daran iyaga oo u qeybinaya kaalmooyin ay kamid tahay cunnooyin bisil.

“Waa wanaag in qof walba la caawiyo gaar ahaan danyarta iyo ma-heysatada,” Mohammed Habiib ayaa u sheegay Asian Image.

“Waxaan doonayaa inaan karaankayga ku taageero, waxaana ugu yeerayaa asaagayga inay nagu soo biiraan.”

Habib oo 15 jir ah iyo Muhammad Ismaeel Hussain, oo 9 jir ah waxay laduba xubno muhiim ah ka yihiin Naadiga Volunteering Interfaith Partnership oo loo soo gaabiyo VIP.

Labadii sannadood oo xayiraadda Covid-19 uu cuuryaamiyay isku soo baxa iyo wada-afurka, xattaa da’yartani waxay gargaar la gaarayeen danyarta.

Hadda iyo bisha Ramadaan, Dr. Javed Bashir, oo ah helaha VIP, wuxuu rumeysan yahay in ammintani muhiim u tahay kuwo ayaanka liita.

“Waxaynu karaankayaga ku jirnaa dadaal aanu ku rabno in qofna aan cidlo looga tagin gaajada.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!