crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Towerka London ‘900 oo sannadood’ kaddib lagu qabtay Afur wadareed. | HimiloNetwork

Towerka London ‘900 oo sannadood’ kaddib lagu qabtay Afur wadareed.

MUQDISHO (HN) — Dadka ku nool London ee kala diimaha iyo isirka ah ayaa markii ugu horreysay maalinkii Isniinta isugu yimid inay Muslimiinta kula afuraan Taalada Weyn ee London – taariikh aan weli horay dhicin weligeed muddo haatan laga joogo 900 oo sannadood.

Isu-imaatinka waxaa soo agaasimay Naz Legacy Foundation. Waxaana afurka kasoo qeybgalay maayarka magaalada London, Sadiiq Khan iyo xubno kale oo ka kala socday diimaha Masiixiga, iyo Yuhuudda.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir halkan kula afuro dadyowga kala diimaha ah ee London ku nool,” ayuu yiri Guddoomiyaha magaalada London, Sadiiq Khan.

“Waana tallaab dhirrigelin iyo bogaadin mudan inaan aragno da’yar kala caqiiddo ah oo halkan wada jooga,” ayuu sii raaciyay.

Xayiraadda Covid-19 wuxuu ku qasbay malaayiin Muslimiin ah inay guryahooda ku dhex afuraan – iyada oo la xadiday isku soo baxyada.

Hadda helaha Naz Legacy Foundation, Harris Bokhari, oo ka faa’iidaysanaya bandowga la qaaday, wuxuu sheegay in taallada London ay aalaaba astaan u tahay ilaalinta xuquuqda tira-yarta loona baahan yahay in lagu baraarugo muhiimadda wada-noolaanshuhu u leedahay horumarka iyo dhaqaalaha UK.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!