Kufsi-wadareedkii ugu xumaa ee Dunida soo mara.
Posted by: Zakariya
in Uncategorized, Wararka
March 13, 2018
1,016 Views
Berlin (Himilonetwork) – Intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Agoosto sannadkii 1945-kii, dadka Jarmalka waxay indhahooda ku arkeen dhacdadii ugu xanuunka badneyd kufsi-wadareedka taariikhda la hayo oo dalkaas ka dhacday – halkaas oo tiro lagu qiyaasay laba milyan oo haween Jarmal ah ay kufsadeen Ciidankii Casaa ee Midowgii Soofiyeeti, sida uu Buuggiisa Beyond Duty uu ku qoray qoraaga Walter Zapotoczny.
Muddadii u dhaxaysay bilaha April iyo May, caasimadda Jarmalka ee Berlin waxaa laga helay 100,000 oo kiisas kufsi ah, marka loo eego warbixinnada isbitaalka – halka Bariga Prussia, Pomerania iyo Silesia ay diiwaan-geliyeen 1.4 milyan oo kiisas kufsi ah.
Warbixinnada isbitaalka waxay sidoo kale caddeeyeen in ilmaha oo la iska soo xaaqo uu ahaa joogto si maalinle ah looga arko isbitaallada Jarmalka.
Natalya Gesse, oo aheyd wariyihii furunta hore ee dagaal-yahannada Soofiyeetka waqtigaas, waxay sheegtay in ciidamada Midowga Soofiyeeti aysan da’ u kala soocin haweenkii ay kufsadeen. “Ciidamada Ruushka waxay kufsanayeen haweeney kasta oo Jarmal ah – u eegis la’aan da’deeda – 8 jir ilaa 80 jir. Waxay ahaayeen ciidamadii Kufsiga,” ayay tiri.
Tani waxay sababtay dhimashada haween an ka yareyn 200,000 oo u geeriyooday cudurro ka dhashay kufsiga lagula kacay. Sida la tilmaamay, haweenka qaar waxaa la kufsaday 70 jeer mar qura.
Ciidankii Casaa wuxuu wadar ugu kufsaday haweenka Jarmalka si aargudasho ka-dhan-ah xoogaggii Jarmalka maadaama ay xoog ku qabsadeen dhulweynahooda Ruushka: una geysteen silic iyo rafaad.
“Si siman waxay ciidankii Jarmalka u kufsadeen haweenkii Ruushka oo da’ kasta isugu jiray,” ayuu ku yiri buuggiisa. “Haweenkii katirsanaa Ciidanka Cas ee Ruushka uma muuqan kuwa ka xun kufsiga ku socda dumarka Jarmalka. Wayna ku raaxaysanayeen dhacdada,” ayuu sii raaciyay.
Sannadkii 1948-kii, Zapotoczny wuxuu sheegay in kiisaskii kufsiga uu hoos u dhacay kaddib markii Ruushku isaga baxay dhammaan dalka Jarmalka goobihii uu kaga sugnaa.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2018-03-13
You must log in to post a comment.