crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kismaayo – Ayaan iyo Ayaan-darro. | HimiloNetwork

Kismaayo – Ayaan iyo Ayaan-darro.

MUQDISHO (HN) — Duleedka ay cawska iyo geedaha isla egi ku hareersan yihiin iyo buuro-la-moodka jooggoodu isla siman yahay ee ilaa xeebta badda ku dhammaada, dhexdeeda waxaa ah magaalo marka laga yimaado aagga Raas Kambooni kow ka ah ku dhawaad afar magaalo xeebeed oo duleedyadoodu ay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Mana ahan mid kale waa Kismaayo.

Waa markii ugu horreysay noloshayda oo aan imaado Kismaayo. Laakiin sida inaysan aad iigu cusbeyn muuqaal ahaan ayaanan ugu dheyganin daawashadeeda, xaqiiqduse waxay tahay aad baan ugu jeelqabay inaan mar un naftayda ku arko anigoo dhex taagan.

Maqaan ahaan, tani waa caasimaddii saddexaad ee Somaaliya iyo caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Jubbaland taas oo sooyaal ahaan aad uga duwan magaalooyinka waaweyn intooda badan.

Kismaayo oo, sidoo kale, dhulka Waamo la isku yiraahdo caasimad u ah, waxay leedahay taariikh fac weyn iyo dabcan loolan hadiyo jeer loo galo gacan-sarreynteeda. Waxaase dhinacaas taban hadiyo jeer barbaryaal dhinac wanaagsan oo magaaladani waaya’arag ku tahay taas oo ah amni iyo wada-noolaanshiyo bulsho. In kasta oo magaalada Afmadow ay tahay midda ugu faca weyn Jubbooyinka iyo dabcan qeyb ahaan koofurta dalka – dhaqan, taariikh iyo ganacsi intaba – haddana, bu’da juqraafi ahaaneed oo ay dhacdo Kismaayo ayaa siinaysa micno gaar ah.

Dadka ku nool Kismaayo waxay u nool yihiin sidii ay awoowayaashood usoo noolaayeen; noloshuna aad uma sahlana. Reer miyiga ayaa si kastaba magaalada keena wixii nafci ah ee baadiyaha laga helo; halka reer magaalkuna ay weji hor leh oo gacansi iyo is dhaxgal ah hirgaliyeen.

Sannadihii dhawaa, si kastaba, Kismaayo waxay gacanta ugu jirtaa maamulka Jubbaland oo ku dhawaad 9 sano kahor kala wareegay al-Shabaab.

Amnigu halkan waa waxa ugu weyn oo ay saareen muhiimadda. Waana aas-aaska ay magaaladani ku dhisan tahay. Waxaa ka jira nabad-galyo ilaa xad, haddii aanba wada dhihi karin, la isku haleyn karo. Tani kaliya maanay suuragelin xasilooni bulsho iyo tu degaaneed. Waxay sidoo kale gogol-xaar u noqotay kobac dhaqaale iyo maal-geshi ballaaran oo magaaladu yeelato.

Gees-ka-gees markaad jeedaaliso, hareeraha waddooyinka iyo gudaha waaxyada ay magaaaladu u kala qeybsan tahay, waxaa ka jira is-beddel xagga dhismaha ah. Waxaana hadiyo jeer joogto ah baahida loo qabo guryo cusub oo la ijaarto. Dadka oo dib intooda ugu soo guya-noqonaya iyo fursadaha laga helayo ilaha qurba-joogta iyo hey’adaha samafalka iyo kuwo deeqaha bixiya, Kismaayo waxay runtii aad uga sii durgeysaa wejiyadii lagu yiqiin toban sanno iyo kahor. Waxaana la oran karaa waa waqtigii ugu fiicnaa oo dadka reer Kismaayo ku naaloodaan nabad, amni iyo xasilooni gu’yaal badan kaddib.

Xiriirka ganacsi ee magaaladu la leedahay dhulka Somaalida intiisa kale iyo dabcan waddamada deriska ah, kaliya kuma sinna dhul iyo cir. Waxaa jira dooman xawaareeya kuwaas oo maalinle oo adeegsado.

Sida Muqdisho iyo Merka, Kismaayo wali waxaa kasii muuqanaya raadadkii hore ee gumeysiga iyo guryihii qadiimiga ahaa ee qarni kahor laga taagay. Waxaana bulshada ku dhex nool u sahlan inay go’aamiyaan halka iyo sida ay rabaan inay noloshooda u maareeyaan. Balse waxay hadiyo jeer ku jiraan saadaal dhinaca mustaqbalka ah.

In kasta oo maamulka jira lagu amaano inuu guul muuqata ka gaaray dagaal-beeleedyada soo noqnoqda ee Kismaayo ka dhaca, haddana waxay wajahaysaa mustaqbal aan saadaal lahayn. Waana midda kaliya oo caqabad ku noqon doonta iftiinka u baxay iyo ileyska muuqda.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!