crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslim – si uu bulshada u fahamsiiyo Islaamka – Shaqadiisa uga go’ay! | HimiloNetwork

Muslim – si uu bulshada u fahamsiiyo Islaamka – Shaqadiisa uga go’ay!

NEW YORK (HN) — Muhammad al-Ninowy wuxuu – in yar kahor inta uusan dhicin Weerarkii 11 September – dhigayay koleejka Goergia Gwinnet kahor inta uusan kasoo qalin-jebin Jaamacadda Illinois.


Dhacdadaas waxay beddeshay noloshiisa inta ka dhinneyd.

Halkii uu kasii wadi lahaa wax-barista, wuxuu galay safar dheer oo uu bulshada la nool ku fahamsiinayo micnaha xeesha dheer ee diinta Islaamka iyo ilbaxnimadeeda.

Dhowr iyo 10-kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuu u kala socdaalay bari iyo bugux — isaga oo sida farriin ku dhisan jaceyl iyo inuu beddelo aragtida dadku ka heystaan diimaha iyo gaar ahaan midda Islaamka.

“Waxaan dareemay inay taasi aheyd wixii la iigu yeerayay inaan ajiibo,” ayuu yiri. “Diinta aan kusoo indha-qaaday iyo wixii aan ka arkay muuq-baahiyaha aad bay u kala fogaayeen dhabtii.”

Taniyo sannadkii 2001, al-Ninowy wuxuu qabanayay seminaaro iyo aqoon is weydaarsi la xiriira diinta Islaamka iyo nolosha.

Sannadkii 2013-ka, wuxuu dhisay Madina Institute oo hadafkeedu yahay inay soo saarto jiil Muslim American ah oo mustaqbalka kaalin dahabi ah ka ciyaara masiirka dalkooda.

Wuxuu dhashay sannadkii 1970-kii. Waa Syrian American ah heysta culuumta caafimaadka.

Dhawaan wuxuu qoray Buug la yiraahdo ‘Book of Love’ kaas oo uu kaga sheekeynayo Islaamka iyo nolosha.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!