MUQDISHO (HN) — Waxay isku hayaan sanka; waayo ma doonayaan nafis yar oo ay horay ugu socon karaan inay iska lumiyaan. Ciriirigu nuucaan oo kale ah markii ay ku jiraan, mas’aladu ugu weyn ma ahan ha igu dhicin iyo iska eeg horay iyo gadaal, balse waxaa midaynayaa hal ujeeddo oo aad u weyn – sideen uga baxsan karaa ciriirigan?
Ka rakaab ahaan ku socdaalayaa gaadiidka halkan tuban, sida aniga oo kale, su’aasha aan jawaab sax ah ka bixin karin oo maskaxdaydu durba I weydiiso waa ilaa iyo goormee ayaad ku jiri doontaa ciriiriga?!
Balse waa marka aad ku dhex xayiranto ciriiriga kolka aad garan karto waxa kula gudboon. Qaar badan waxay go’aansadaan inay ka degaan baabuurtooda; kadibna cagta maalaan. Waxay isugu jiraa dumar xoogsato ah oo dantu ku qaaday inay culeyska ay sidaan kula boqoolaan cadceedda, carruur iyo hooyadood oo doortay inay socod ku gaaraan ilaa ciriiri ka baxa; iyo in kale oo rag u badan kuwaas oo xoogooda mahdiyay.
Waana muuqaal aadan u baahneyn inaad la sugto camerada; xilli walba halkan waxaad ku arkaysaa xaqiiqda qaraar oo laga dhaxlo ciriiriga badan ee joogtada ka noqday.
Xattaa badanaa xilliyada aan kasoo rawaxayo shaqadayda halkan kuma soo aado baabuur iyo bajaaj toona, waxaan ku maraa lug ilaa aan ka gaaro gurigayga.
Bajaajyada sida dad badankood dani uga xiran tahay xarun caafimaad ama ka daahaya balamo shaqo iyo tu wax-barasho waa kuwa ugu nasiibka daran. Qaar badan marka ay halkan soo aadayaan kuma xisaabtamaan waqtiga. Waxa kaliya oo ay ku nasiibsadaan haddii sahal lagu mari karo iyo in kale.
Kuwa isku daya inay dib u noqdaan, hubaal waxa ka horreeya masheegi karaan. Bajaajlahan wuxuu leeyahay kala wareeg haddana sidaan ayaan jaam kale ku galaynaa.
Waxa qasbaya maalin walba inay shacabku ku dhibtoodaan marista waddadan kaliya maahan mas’uuliyad xumo dowladeed iyo daryeel la’aan. Waa xirashada iyo dhigashada carra-tuur iyo dhagxaan labada dhinac ee halka laami midda keensanaysa inaan si fudud la iskugu gudbi karin.
Adeegsiga gaadiidka waaweyn oo har iyo habeen gaadiidka dadweynaha la adeegsada waddada ayaa sidoo kale keenaysa in madaxyada la isla galo.
Halkan in kasta oo xerooyin dowladeed ay dhinacyada kaga yaaliin, haddana adeeg dowladeed iyo u turid shacab kama jirto. Waxaa naruuro yar ah is-xilqaan ciidan oo mararka qaar xoog ku kala fura waddada. Waayo iyagaa ku qasban inay helaan marin ay isku gudbaan.
In baabuurta waaweyn oo halkan ka dhiga ciriirga, la siiyo waqti gaar ah oo ay ku yeeshaan marista jidka dheer ee Jaalle Siyaad.
Waxaase aan la ogeyn goorta ay dowladdu xal waara ka gaari doonto ciriiriga waddadan ka taagan.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
You must log in to post a comment.