Maxaa looga faa’iideysan la’ yahay kheyraadka dhalinyaradeenna?!

Muqdisho (Himilonews) – Markii ugu horreysay ee bulshadeennu bilaabayeen la-qabsiga kacaanka magaaloobidda, waxaa jiray wax-yaalo door ahaa oo la xiriiray dhaqashada iyo dhaqanka oo aysan dhicin in loosoo raro nolosha magaalo-nimada.
Waayihii nololeed ee miyiga, majirin kala sooc u dhaxeeya nolosha iyo dhaqashada – oo micnaheedu yahay isu-geynta nolosha iyo dhaqashada ayaaba ka dhigneyd dhaqanka u taagan waxa la yiraahdo reer Miyi.
Si kale marka loo yiraahdo, qof kasta oo katirsan jeesaska ku nool tuulo, wuxuu lahaa door uu kaga soocan yahay xubnaha kale ee qoyskiisa. Wuxuuna u qumi jiray fulinteeda.
Ababka hore, inan iyo inanba waxay waalidkooda la qabtaan howlaha ay gaarka ku yihiin ee mas’uuliyadda reerka ka saaran. Kurayga ama wiilku wuxuu aabaha la raacaa geela – gabdhaduna waxay hooyada ka barataa howlaha dumarnimo ee marar soo gala raacista ariga iyo wixii soo raaca. Waana tijaabada aas’aasiga ah ee lagu baxnaaniyo mas’uuliyadda lab iyo dhedig yeelanayo kolka uu qaan-gaaro.
Marka inanku gaaro da’da gaashaan-qaadka ilaa iyo inta uu ka noqdo waayeel la tilmaansado tusaalayaashiisa ama marka gabadhu noqoto gashaanti u diyaarsan dhaqasho reer ilaa iyo intay ka noqoto macooy ama abooto dhismaha jeeska ku ilaalisa maadeynta dhallaanka iyo siinta sheekooyin dhab-la-jirato ah oo noloshooda miyinimo waaya’aragnimo ku biiriya, ayaaba ah dhamaan waxa lagala baxo nolosha miyiga.
Hayeeshe haddii loo sii daadego kaalinta mid kasta leeyahay, waxaa cad in qofna uusan noqon howl-gab inta uu barbaar iyo mid is-bixin kara yahay. Dunta ugu weynna waxay ku tiirsaneyd sida qof kasta uu u maareyn karo noloshiisa.
Nasiib-darro taasi ma noqon mid lala yimid nolosha magaalada tiiyoo fursadaha kala duwan ee ka abuuran gudaheeda ay ka tiro badan yihiin midda laga helo miyiga.
Uma jeedo inaan is-barbardhigo in nolosha miyiga shalay iyo maanta – ay la sinnaan karto midda ka jirta magaalada had iyo jeer. Waa caadyaal sida loogu tiirsanaaday nolosha magaalada. Hayeeshe in kasta oo fursadaha nololeed ee jira noqonayaan kuwa isasoo taraya, hadana ma ahan kuwa looga faa’iidaysanayo sidii hore. Tusaale ahaan, da’yartii shalay oo tira ahaan iyo aqoon ahaanba aad uga hooseeya jiilka maanta jooga, waxaa ayaan-darro ah inaysan helin meel looga faa’iideeyo awoodda ku jirta. Waxaana muuqata in loo arkay niqmo – aas’aaska dhibta iyo colaadaha, halkii loo arki lahaa nimco  iyo kheyraad awooda inay dhaliyaan xadaarad iyo ilbaxnimo Soomaaliyeed oo dunida raadeysa mustaqbalka.
Ayaan-darrada jirta ayaa ah; in kuwii xoogga lahaa ee aan helin fursad  ay wax ku bartaan la’yihiin cid maal-geshi ku sameysata. Waxaase kasii ayaan-daran kuwa wax-bartay ee aan helin karin  meel ay gaaxda ku jirta ku maalaan. Tani runtii waa mushkilad aad looga murgo. Mana ahan nabar naxdin keeni kara marka da’yar Soomaaliyeed ay ku dhintaan badaha si nolol dhaanta middii ay ku hanan waayeen dhulkooda uga raadiyaan dunida kale.
Tira-koobyada la tilmaamo inay gaari karaan ardayda Soomaaliyeed ee sanad kasta kasoo qalin-jebiya jaamacadaha dalka waxay gaarayaan kumaankun. Wayna isasoo tarayaan tiradooda.
Balse halka dhinac kaliya laga dhisayo kobaca aqooneed ee jiilka maanta iyada oo taas caksigeedana aan loo diyaarineyn qorshayaal lagu maal-geshan karo gaaxdooda aqooneed, kaliya niyad-jab weyn kuma ahan noloshooda ee waxay sidoo kale saameynta ka dhalanaysa liifadda usii gaabinaysa kuwa kuso xiga ee ku indha-qaadaya mushkiladdan.
In la dejiyo qorshayaal is-dabamaal ah oo lagu xoojin karo awoodaha ku duugan da’yarteenna waxay suura-galin kartaa hubsashada mustaqbal iftiin badan oo ay ku naaloodaan jiilka maanta iyo kuwa dhaxli doono. Taasina waa mas’uuliyad aan kaliya dusha ka saarmeyn dowladda dhexe hayeeshe sidoo kale inta wax-galka ah ee bulshadeenna hormuudka u ah.
Is-baddalka loo raadinayo sida ugu maan-galsan ee da’yarteenna looga faa’iideysan karo xoogga iyo aqoonta ay sidaan, kuma dhalanayo maalin kaliya. Waxaa kaliya ee lagu gaaro karo ayaa ah bilaabista mashaariic yaryar oo lagu kaafin karo aas’aaska hoose ee nolosha mujtamaca. Markaaas ayaa si mid ah loogu hammin karaa dejinta mashaariic waaweyn oo jawaabtii loo baahnaa u noqda dhibta iyo rajo xumida qaar ee heysata da’yarta Soomaaliyeed.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!