MUQDISHO (HN) — Itoobiya ayaa maalin gudaheed waxay beertay 350 milyan oo geedo ah, sida saraakiishu sheegeen, tallaab lagu tilmaami karo rikoor cusub oo caalami ah.
Ol’olahan oo looga golleeyahay in lagu dhimo halista nabaad-guurka iyo cimilada sii kululaanaysa, waxaa hoggaaminaya RW Abiy Ahmed.
Xarumaha qaar ee dowladda ayaa albaabada la iskugu dhiftay si shaqaalaha rayidku ay qeyb uga noqdaan ol’olaha.
QM ayaa sheegtay in keymaha Itoobiya ay xaalufeen 35% qarnigii tagay, balse hadda boqoleydaasi ay hoos u dhacday 4%.
Abiy ayaa mashruuca geed-beerista wuxuu qeyb ka yahay Ol’olihiisa Dhaxal Cagaaran kaas oo ka dhacaya in ka badan 1,000 goobood oo dalka kamid ah.
Sida uu kusoo warramay weriyaha BBC, saraakiisha waxaa la amray inay tiriyaan geedaha ay beerayaan samafalayaasha. Wasiirka tiknoolojiyadda iyo hal-abuurka Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa sheegay in 350 geed lagu beeray 12 saac gudahood.
Hadafku wuxuu yahay in la beero afar bilyan oo geed.
Fiidiyowyaal dhiirr-gelin iyo abaal-gudyo xanbaarsan ayaa laga baahay warbaahinta qaranka si loogu baraarujiyo shacabku inay geed beeraan; kaddibna dhowraan.
Howlwadeennada QM, Midowga Afrika iyo safaaradaha dalalka ay saaxiibada yihiin ayaa qeyb ka ahaa ol’olaha dhir-beerista.
Rikoorka geed-beerista ugu weyn waxaa hadda heysta dalka Hindiya halkaas oo 800,000 oo samafalayaal ah ay maalin gudaheed ku beereen 50 milyan oo geed.
You must log in to post a comment.