crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney cunta haraadiga meydka hooyadeed oo sheegtay arrin la yaab leh! | HimiloNetwork

Haweeney cunta haraadiga meydka hooyadeed oo sheegtay arrin la yaab leh!

Muqdisho – Haweeney la walbahaarsan tiiraanyada geerida hooyadeed ayaa haraadigeeda waxay ku cunaysa cunnooyinka ay jeceshahay.
41-jirta lagu magacaabo Debra Parsons oo ku nool England waxaa ku dhacay moora-dilaac, markii hooyadeed Doreen Brown, ay halhaleel ugu dhimatay caabuq uga dhacay feeraha.
Geerida kadib, Brown waa la gubay, gabadheeda ayaana soo qaadatay haraadiga meydkeeda.
Parson waxay sheegtay inay dareentay doonis ah inay cunto haraadiga meydka hooyadeed.
Hooyadan leh labada carruur waxay tilmaantay in dadaal ay ku dooneysay inay kaga soo bogsato walaahowga haya ay u bilowday cunista haraadiga meydka hooyadeed.
Maalin kasta, mug qaando ah ayay ku darsataa cunnooyinka ay cunto, waxay dareemaysaa inay in badan ka bogsaneyso aramida ku taagan.
“Dadku waxay moodayaan inaan waalanahay, oo falkani uusan ahayn mid xushmad ku dheehan tahay,” ayay tiri. “Waxaanse dareemaysa inaan aad ugu dhawaanayo ruuxda hooyaday.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!