crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Habka tacliinta dadban ee koorsada la yiraahdo iyo aragtida ardayda | HimiloNetwork

Habka tacliinta dadban ee koorsada la yiraahdo iyo aragtida ardayda

Muqdisho (Himilonews) – Hab-tacliimeedka dadban waxay sanadihii tagay kusoo kordheen magaalada Muqdisho. Xarumaha ama dugsiyada bixiya habka tacliinta dadban ama fudud ee loo yaqaan Koorsada oo ah koobis iyo guud-mar lagu sameynayo manhajka sanad-dugsiyeed ee loogu tala-galay in lagu qaato sanad dhameystiran waxay noqdeen kuwa isasoo taraya dhawaanahan.
Dulucda ayaa ah in ardayda si fudud ku gudbaan fasallo badan oo ay sanad-sanad u fariisan lahaayeen iyo ujeeddooyin kale oo u kala duwanaan kara baahida ardayga dalbanaya koorsada; barashada degdegga ah ee English-ka, Kumbuyuutarka iyo wixii lamid ah.
Badi ardayda ku jira fasallada lagu dhigto casharrada manhaj sanadeedka waa kuwa kala duwan sababaha ku qaada inay dalbadaan koorso. Da’weynidu waa arrinta inta badan lala xiriiriyo ardayda ku jira fasallada koorsooyinka.
In kasta oo ay kala leeyihiin asbaabo kala tagsanaan kara – oo salka ku heysa sababta ay da’dan ugu soo gaareen dib-u-dhaca tacliinta – hadana waxay leeyihiin hal hadaf oo kaliya taas oo ah inay hadda guntiga u xirtaan wax-barasho iyo aqoon kororsi.
Waxaana ardaydaas kamid ah Abdixamid Maxamed Ali.
Hadda, isaga oo ku jira tacliintiisa ku saleysan koorsada degdegga ah, Abdixamid wuxuu dib u fiirinaya wixii ku qaaday inuu galo koorsada. Wuxuuna is-weydiinaya haddii uu ku saxnaa go’aankiisa iyo in kale.
“Wallaahi waxa ugu weyn ee igu qaaday inaan koorso galo waa qiiro igu beerantay; markii aan arkay asaagay oo meel iga sarreysa taagan iyo markii aan dib isu eegeyba, xalka waxaan u arkay inaan doorbido koorsada,” ayuu yiri Abdixamid. “Mararka qaar waa qasab inaad raacdo tilmaamaha ay maskaxdaadu ku siineyso.”
Qiirada uu sheegayo Abdixamid inay ku qaaday koorsada kaligiis kuma ahan dareenkeeda. Waxaa jira kumaakun arday u badan oo da’da 40-ka ku jira kuwaas oo da’yarnimadoodii hore aan helin waqti ama adduun ay wax ku bartaan.
Balse kama dahsoona in – ku qaadashada wax-barashada qaabka koorsada – ay seejin karto aqoon badan iyo xog ballaaran oo mudnaan laheyd in fasallada loogu jiro la socoshadeeda. Mise lahan wax qoomamo ah oo ay ka tilmaami karaan doorasheeda.
Waan aaminsanahay inay aqoon badan oo mudneyd inaad hesho ay kaaga lumi karto hab-tacliimeedka dadban waayo wixii sanad loo jaangooyey ayaa bilo kooban laguugu dhigayaa,” ayuu tilmaamay Abdixamid oo intaas kusii daray: “Waxaan kaliya aqbalaynaa inaan qaadanno cilmi-ga naloo dhigo oo aan hubo inuu isaguna ahayn mid aad u hooseeya.”
Dugsiyadii hore ee ilaa maanta taagan kuwaas oo aan laga dhigi koorsada, waxay ardaydoodu rumeysan yihiin in wax u dhigma dadaalkooda oo kale aan lagu bixin dugsiyada lagu bixiyo koorsada.
Mahad waxay u celin karaan waalidkii uga faa’iideeyey waqtigoodii hore ee carruurnimada kuwaas oo kaga filnaaday inaysan koorso u baahan.
Sahro Cumar Maxamed, oo ah ardayad ku jirta fasalka 2aad ee dugsiga sare ayaana kamid ah. Waloow ay sheegtay inay ku raaxaysaneyso fursadda dahabiga u ah, hadana waxaa marmar gala hinaase guba laabteeda markay aragto dad si sahlan ku gudba fasalka ay dhigato.
Alxamdulillah, waalidkayga ayaa anigoo yar i geeyey wax-barashada sidaas ayaanan ugu baahanin koorso,” ayay tiri Sahra. “Mararka qaar, laga yaabee inaad u hangal taagto kuwa ku jira koorsada ee fasallada bilooyin ku mara, hayeeshe, kalsoonida waa hubka kaliya ee aan adeegsan karno si aan isu sheegno si qofka karaankiisa ay ku eg tahay tayada iyo heerka wax-barashadiisa.”
Badnaanshaha da’yarta maanta tacliinta sare uga soo baxaysa qaababka koorsooyinka, waxay kaalintoodu kasoo muuqataa jaamacadaha magaalada. La-qabsiga iyo saameynta ku yeelan karaan tacliinta sare iyaduna ma ahan mid hooseysa. Hayeeshe ku jiritaanka hab-tacliineedka dadban ama koorsada iyo dhaga-dhageynta maqalka dugsiga lagu barto, Abdixamid iyo Sahraba waxay talooyin mideysan farriin ugu dirayaan dadka ay isku dhinac ka yihiin aragtidooda.
“Haddii aad jeceshahay inaad koorso wax ku barato, haku ekaanin oo kaliya wax-barashada laguu dhigo ee isku day inaad raadsato ilo kale si aad dheelligaada u kaabto,” ayuu yiri Abdixamid.
Sahra ayaa intaas kusii daraysa: “Waxa kugu filan inaadan degdeg isku dhaafinin waayaha wax-barashadaada. Haa laga yaabee, haddii aad tahay qof fil weyn inaad koorso raadiso, hayeeshe haddii kale kaadsiinyada wax ku baro.”
Waana talooyin u muuqda inay macno u sameyn Karaan da’yarka ku qanacsan koorsada iyo kan iska diidanba. Balse muhiimad ugu fadhin karta qof kasta oo naawilaya inuu wax-barashadiisa ku qaato hab-tacliimeedka dadban.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!