MUQDISHO (HN) — Fatahaadihii ba’naa ee ka dhacay gobalka Derna, dalka Libya, waxay ka tageen burbur baaxaddaas la’eg, balse hal guri ayaa ku dhex badbaaday bartanka musiibooyinkaas. Wuxuu soo jiitay indhaha caalamka – isaga oo qabsaday hadalheynta dunida.
Dhammaan guryihii jaarka la ahaa oo dhami waxay ku dhamaadeen oogada dhulka, waxaana uu keligiis ka dhex taagan yahay kax bannaan isaga oo xattaa aysan soo gaarin jajab la tilmaami karo ama u baahan in laga dayactiro.
Waxaa intaas dheer in gurigan oo badda u jira fogaan dhan 400 oo mitir aysan xattaa biyuhu usoo dhawaan – iskaba daa inay qaadaane. Majiro warar sugan oo saxaafaddu heshay oo ku saabsan gurigan iyo cidda iska leh, balse warar ay is dhaafsanayaan dadweynaha iyo dadka xaafadda ayaa sheegaya in milkiilaha gurigan uu ahaa nin samafal badan oo sadaqo joogto ah siin jiray dadka danyarta ah iyo carruurta agoonta ah.
Waxaa kale oo lasoo werinayaa in gurigan mararka qaar uu hoy u ahaa dadka Qur’aanka xifdinaya siiba carruurta.
Dad gaaraya 11,300 ayaa ku dhintay fatahaadihii ka dhacay Liibiya, waxaana raqdooda aan meel lagu sheegin weli tiro dad ah oo gaaraya 10,100
You must log in to post a comment.