crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Moolka ugu weyn Adduunka! | HimiloNetwork

Gudaha Moolka ugu weyn Adduunka!

MUQDISHO (HN) — Moolashada waxay astaan u yihiin dhaqaalaha iyo ganacsiga Maraykanka, waxaana la sheegaa in in ka badan 100,000 oo moolal wax laga iibsado ah ay ku yaalliin gudihiisa. Laakiin, moolka ugu weyn, sidaas oo ay tahay, kuma yaal dhexdiisa. Wuxuu ku yaallaa dalka Iiraan.

Wuxuu ku yaal caasimadda Tehraan. Wuxuu ku fadhiyaa wareeg dhan 32 mitir oo wareeg ah: 7 dabaq. Laakiin dhulka uu baaxad ahaan ku fadhiyo waxay dhan tahay 1.35 million mitir wareeg ah. Taniyo sannadkii 2014-ka, 1,200 mashaariic oo ay fuliyeen 25,000 ayaa laga fuliyay si looga dhigo kan ugu weyn adduunka. Waxayna ku galeen diiwaanka Buugga Dhacdooyinka Adduunka. 700 oo dukaamo ah ayaa ku dhex yaal. Waxaana usii dheer adeegyo aan laga heli karin moolasha kale ee caalamka.

Waxaa kale oo ku dhex yaal shineemooyin, masraxyo, berkado lagu dabaasho iyo dabcan hadda oo lagu wado in laga dhiso hoteel kala kacsan oo 5 Star ah. Kuwa aqriska jecelna, waxaa loogu diyaariyay maktabad weyn oo ay yaalliin buugaag gaaraysa 45,000.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!