MUQDISHO (HN) — Haweeney ku nool Shangai, dalka Shiinaha ayaa hadalheyn badan ka abuurtay baraha bulshada Shiinaha kaddib markii ay digaaga la dhaqdo ee dhedigta ah cidiyahooda saartay faro-macmal ah oo midabo kala duwan oo qurxoon leh.
Yi Yi waa lihilaha goob digaagga lagu koriyo si loo iibgeeyo, waxayna digaagadda kuwa ay gaarka u dhaqato ay cidiyahooda ku qurxiso faraha kala midabbada leh oo dumarka qaarkiis ay ku dhejiyaan cidiyahooda. In kasta oo bahda shaqadeeda ay ku gacanseyreen ficilkaas sameyntiisa – iyaga oo ilaalinaya sumcadda shirkadda – waa iyada qofka aan kaliya ku dhiirran balse gacanteeda ugu sameysay.
Waxaana ay qeyb ahaan soo jiiteen indhaha dadka isticmaala baraha bulshada. Laakiin abuur ahaan, nooluhu, waa kuwa sida aadanaha dareemo leh oo ka xanuunsanaya waxyaabaha lagu sameynayo – haba u muuqdaan qurux iyo falaad.
Waxay sidoo kale u gelisay fargashiyo midabo kala qurxoon leh. Halkan haddaba ka daawo sawiradda digaagadda.



You must log in to post a comment.