crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin sabab la yaab leh u gubay Kaniisad. | HimiloNetwork

Nin sabab la yaab leh u gubay Kaniisad.

MUQDISHO (HN) — Dalka Ruushka tuulo ku taalla, waxaa dadka degaanka ay qadyaan ka joogeen gubashada kaniisadda ay ku cibaadeystaan. Toddobaadkii tagayna, kaliya ma ahayn markii ugu dambeysay oo kaniisaddu gubato, waxay sidoo kale noqotay kolkii si dhab ah loo fahmay sababta ka dambeysa.

Haweeney 26 jir ah oo kamid ah howlwadeennada kaniisadda waxay u dhaxdaa 36 xoogsade oo ku nool farsama-yaqaannimada. Marwalba oo uu lacag keeno guriga waxay qeybta ugu badan u qaadaa kaniisadda si wax loogu qabto. Mana ahan mid jeebkiisa ka bixi karta oo uu raali uga yahay. Waase jaceylka iyo ku xirnaanta xaaskiisa ee kaniisadda midda qasbaysa inay marwalba lacag ugu deeqo.

Markii si kastaba uu ku gacanseyray kana horyimid quuriddeeda faraha badan, dheg jalaq uma siinin.

Diidmadeeda ayaa la timid – in beddelkii uu iyada iyo ilmihiisa lumin lahaa – uu kaniisadda laftigeeda dab qabadsiiyo si aanba wax dambe loogu deeqin.

Booliska oo markii dambe ka war helay sheekada ninkan oo si cad u qirtay qaladkiisa iyo sababta uu u sameeyey ayaan ka qaadin wax tallaab ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!