crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jamaaco Masjid oo u banbaxaya kaalmeynta kuwa liita! | HimiloNetwork

Jamaaco Masjid oo u banbaxaya kaalmeynta kuwa liita!

MUQDISHO (HN) — Waxay ahayd Ramadaankii hore markii koox samafalayaal ah oo Jamaacada Masjidka Maindee, South Wales kamid ah ay iskaga yimaadeen cunno u qeybinta dadka liita xilliga go’doonka.

Hadda oo ah Ramadaankii kale oo soo dhawaadayna, waxay mar kale caawinayaan ku dhawaad 30 qoysas danyar ah oo shan kamid ah aanay ahayn Muslimiin.

“Waxaan u shaqeynaynaa inaan isku gargaarno; oo aan dhamaanteen is koryeelno,” ayuu yiri Dr Bilal Raza. “Aalaabana waynu ku dhiirrigelinayaa da’yarta – u eegid la’aan halka ay kasoo jeedaan ama meesha ay raacsan yihiin.”

“Kan Muslim ahaan, waxaa ina saaran mas’uuliyad iyo waajib inaan kuweenna baahan u gargaarno ama aan u gurmano qof walba oo ayaan adag ku nool.”

Samafalayaasha oo kamid ah Masjidka Iqra waxaa aragtidan ku hoggaamiyay Dr. Asif Alam. Cunnooyinka ay qeybinayaanna waxay isugu jiraan bariis, baasto, qudaar iyo iidaan kale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!