crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sare u kaca Sicirka Shidaalka iyo Saameynta Qiimaha lagu raaco Gaadiidka Dadweynaha. | HimiloNetwork

Sare u kaca Sicirka Shidaalka iyo Saameynta Qiimaha lagu raaco Gaadiidka Dadweynaha.

MUQDISHO (HN) — Kusoo jeedka jidka dheer ee Jaziira, Jamaal oo kaalin shidaal ku leh saddexdii sannadood ee lasoo dhaafay wuxuu saaka shaqadiisa u wataa sidii caadada ahayd. Laakiin hal mid aan caadi ahayn. Waa sida farxadda leh ee uu hoos ugu dhacayo qiimaha shidaalka oo si aanu weligiis arag hal mar cirka iskugu shareeray.

“Waa middii ugu sarreysay saddexdii sannadood ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri isaga oo bajaaj u taagan u shubaya nafto. “Laakiin hadda waa alxamdullilah, sidii hore hore way kasoo reynaysaan maalinba maalinta ka dambeysa.”

Jamaal wuxuu kamid yahay dhowr ajabley oo kaalmahooda shidaalka aan marnaba albaabada isugu dhifan xattaa jiritaanka sicir bararka ku dhacay. Wuxuuna ogsoon yahay in duruufaha jira lagu wada qasbanaa la-qabsigooda.

“Waa lagu qasban yahay si kastaba, waana isla fahamsannahay duruufaha – marna sare u kac kolna hoos u dhac – doodna kama furna inaan ku wada shaqeysano labada xaaladoodba,” ayuu yiri.

Mid kamid ah kuwa uu Jamaal sheegayo inay sidiisa oo kale ku qasbanaadeen waa Ismail Maxamud oo ah wade Bajaaj iyo mulkiilaheeda kaas oo isna si reynreyn leh ula jaanqaadaya is-beddelka soo kabashada ah oo ay galeen maalmihii dhawaa. Wuxuu sheegay in marnaba aanu is dhimin lacagtii ay ku qaadi jiree rakaabkooda. Rejadiisuna waa mid sarreysa.

“Wax iska beddelay malahan. Dadkuna in yar moogiye – inta kale waxay yiraahdeen; walaalow ma heysano – hadda qof kugu yiri intaas maxaa dhiman oo aan ka ahayn inaad ku qaado sidii uu kugu raaci jiray,” ayuu is weydiiyay Ismail oo ku nasanaya bajaajta dhexdeeda.

“Laakiin hadda si xowli ah ayuu hoos ugu soo dhacayaa waana wax lagu mahdiyo.”

Abdifatax Geeddi Gacal oo kamid ah rakaabka joogtada u adeegsada Bajaajta wuxuu rumeysan yahay in waqtigii adkaa ee maalmihii lasoo dhaafay lagu jiray looga soo gudbay is-faham iyo isku dhimrin. Wuxuuse qiray in lacagtii uu bil walba ugu tala-galay inuu ku bixiyo bajaajraaca ay sare u kacday.

“Saaka waxan ku imid 3$ oo awal aan ku bixin jiray 2$ iyo ka yar. Marka aad kala hadli maagtana, waxay ku leeyihiin walaalow sicir-bararka jira sow noogu garaabaysid?” ayuu yiri Gacal.

Mana ahan Bajaajleyda iyo macmiishooda kuwa qura si qoto dheer u fahamsan saaameynta sare u kaca shidaalku ku yeeshay jeebabkooda.

Xattaa gaadiidleyda dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka, waxay saameyntu u gaartay si muuqata. Maxamed Muriidi Muumin, oo kamid ah wadayaasha baabuurta u kala safarta Korontada iyo Xoosh, wuxu sheegay in waxa mideeya iyaga iyo shacabka ay tahay huriweynto dibadda uga timid oo ay ku qasbanaadeen inay wadajir u qaabilaan.

“Waa la isku dhib qabaa runtii. Qiimaha shidaalku wuxuu tagay heer aan gaarnay inaan maalin walba shidaaleyda u shaqeyno oo faa’iido aan badneyn u dhigno gaariga iyo darawalka – dadkuna ma wada heystaan lacagta,” ayuu yiri.  “Marka kii kuu wada dhammeystirana ka qaado, kii wixii uu awooday ku siiyana, haku diidin ayaan ku shaqeynaa.”

Abdiraxman Cabdisalaan Maxamed oo ah arday maalinle usoo raaca bl-ka ayaana kamid ah kuwa faaqidi kara waxa sicirku kala haray oo qarash ah.

“afarkun ayaan kusoo raaci jiray haddana qiyaas lix kun ayaan bixiyaa, waana igu adag tahay – ka arday ahaan,” ayuu yiri.

Hayeeshe, qaar kale sida Axmed Maxamed waxay la tahay inay jirto sababo badan oo looga falcelin karo mashaqada taagan.

“In laga garaabo la muujiyo sida looga xun yahay dhibta taagan waa midda ugu sahlan oo laga la’yahay dowladda iyo gobalka,” ayuu yiri. “Waayo taasi waxay niyad-dhis u noqoneysaa shacabka subaxdii qiimaha ay kusoo raaceen ugu yimaada galabkii isaga oo lagu sii daray.”

In Somaaliya ay inta ugu badan ku tiirsan wax-soo-saarka ugu yimaada dunida dacalladeeda waa mid aan la dafiri Karin. Waxaa kale oo lama huraan in la isla qiro sida wax ku oolka ah oo bulshada isugu sahlayso danwadaagta ka dhaxeysa oo ay adag tahay in dunida kale ay isugu garaabaan xilliyada adag ee lasoo gudboonaada.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: zakihiraale@himilonetwork.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!