MUQDISHO (HN) — Fuulitaanka ama koritaanka buuraha caadiyan waa safar adag oo dhib badan. Laakiin marka aad sooman tahay inaad ku dhiirrataa waa mid kale oo nafhurnimo ah.
Tanina waa tabta uu doonayo Tariq Mahmood oo ku nool Peterborough kaas oo raba inuu koro buurta ugu dheer Britain bisha soo aadan ee Ramadaanka si uu lacag ugu ururiyo dhismaha xarun agoomada lagu daryeelo oo ku taalla Induniisiya.
Waxaa looga yaqaan Ninka Ramadaanka gudaha dalkiisa, wuxuuna rabaa inuu koro buurta Scotland’s Ben Nevis taas oo ku qaadanaysa inuu qaado tallaabooyin dhan 1,345 oo joogga badda ka sarreeya isaga oo weliba sooman.
“Waxaan dhammeystiri doonaa koritaanka buurta aniga oo ka duulaya soonka iyo Ramadaanka,”ayuu yiri Mahmood.
“Waxaan soonnaan doonaa 12-13 saacadood kahor inta aan guda-galin howlgalkayga buurfuulidda,” ayuu sii raaciyay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Mahmood ku dhiirrado mashruuciisa isaga oo sooman. Sannadkii 2019-ka, ayuu noqday orodyahankii ugu horreeyey ee kora buur isaga oo sooman.
Laakiin ma ahan oo qura Tariq midka doonaya inuu tallaab ku dhac ah u sameeyo xaqiijinta hadafkiisa.
Gaaridda yoolka ah u helidda biyo nadiif ah, nin ku nool Blackburn ayaa doonaya inuu isna maalin walba – inta lagu jiro bisha Ramadan – uu ordo 5,000 oo kilometer si uu lacag ugu ururiyo mashruuciisa biyaha.
Faizal Momoniat, oo 40-jir ah, wuxuu doonaya inuu ururiyo 5,000 oo uu ku awoodi karo dhismaha 33 ceelal ah oo laga qodayo qaaradda Asiya dalal kamid ah iyo Bariga Dhexe.


You must log in to post a comment.