HomeDunida MuslimkaBangi Cunto oo afurinaya 6000 oo Qoys bisha Soonqaad.

Bangi Cunto oo afurinaya 6000 oo Qoys bisha Soonqaad.

MUQDISHO (HN) — Xilli ay Muslimiintu u diyaargaroobayaan bilashada bisha Soonqaad, astaamihii lagu yiqiin is-jaceylka iyo walaaltinimada ka dhaxeysa Muslimiinta iyo kaalintooda bani-aadnimo ee dadyowga la nool waa xilli sidoo kale aad loo dareemo.

Bangi cuntooyinka lagu keydiyo oo ku yaalla Philadelphia ayaa ku tala-galaya in bisha Ramadaan uu cunnooyin bisil gaarsiiyo 6,000 oo qoysas danyar ah. Waana sannadkii labaad oo afur walba ay quudinayaan ku dhawaad 200 oo qoysas ah habeen walba inta lagu jiro bisha barakaysan.

“Inta lagu jiro bisha Soonqaad waxaa la inagu dhiirrigeliyaa inaysan kaliya u gaajoon lafaheenna balse si aan kuwo baahan u dareenno haqabtirkooda,” ayuu yiri Senator Sharif Street.

“Qof walba waxaan kusoo dhawaynaa gacmo furan,” ayuu intaas sii raaciyay.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments