crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 60

Wararka

Mooshin – Mar-arag laga naxo Maqalkiisa.

Muqdisho (Himilonetwork) – Way dhacaysaa mar walba. Sida xooluhu u rakaadaan fulinta kahorna, waa lama huraan in xukuumad walba oo dhalata la kowsato. Is-qabqabsiga madaxda ugu sarreysa dalka waa arrin laga yaabo in badan inay u qaataan si fudud. Balse xaqiiqdu waa inay tahay mid masiiri ah oo raadeynaysa hayaanka fog ee loogu jiro gaarista dowlad wanaagga. Mar walba oo ...

Read More »

Kamikatsu – Magaalo aan Qashinba laga heli karin!

Tokyo (Himilonetwork) – Waxaan maqalnay sheekooyinka shaqsiyaad dunida ku nool kuwaas oo la qabsaday nolol qashin la’aan ah ‘zero waste’, hayeeshe ma ahan aalaaba mid la xiriirta bulsho dhan inay isku daydo nolol ka madax bannaan qashinka. Dadka ku nool Kamikatsu, dalka Japan, waxay dib-u-adeegsadaan ‘recycling’ wax walba oo ay mar qura soo iibsadaan – xilli ay isku dayayaan inay ...

Read More »

La kulan – Qoyska ku nool Nolol-aan-Balastik lahayn ‘Plastic-Free.’

Vienna (Himilonetwork) – Suureyso nolol aan lahayn balastik? Taasi waxay la micno tahay majiro kumbuyuutar, moobil, gaari iyo dhammaan wax walba oo aad u tix-gelin karto lama huraan. Waxay kuula dhawaaqi kartaa mid aan suura-geli karin casriga maanta lagu jiro, hayeeshe qoys ku nool dalka Austria ayaa caddeyn u ah in la sameyn karo. Sandra Krautwaschi, oo ku nool xaafad ...

Read More »

Sheekada Wiilkii iska diiwaan-geliyay Jaamacadda Haweenka Shiinaha.

Beijing (Himilonetwork) – Wiil 18-jir Shiinees ah ayaa qabsaday baraha bulshada ee caalamka kaddib markii uu iska diiwaan-geliyay Jaamacadda Haweenka Shiinaha – mid kamid ah sababta uu sidaas u yeelana waa inuu helo gabar uu nolosha la wadaago. Iyada oo loo eegayo doorbidista dhallaanka laboodka ah ‘wiilasha’ oo Shiinaha ka dhaqan-qalay xilligii lagu jiray Siyaasadda Hal-cunug (1979 – 2015), hadda dalka ...

Read More »

La kulan – Samata-bixiyaha Bisadaha qaar kasoo dejiya Geedaha dushooda!

Muqdisho (Himilonetwork) – Bisaduhu waxay ku xayirmi karaan dhakada sare ee geedaha mararka qaar, mana jiro qof u taagan inuu soo dejiyo. Balse haddii aad ku nooshahay Baton Rouge, Louisiana, waxaad isku halleyn kartaa Randall Kolb, oo 64-jir howl-gab ah kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay Bisadaha qaar kasoo dejiya geedaha dushooda. Dhawaqani wuxuu soo gaaray sannadkii 2014-ka laba maalin kaddib ...

Read More »

Gabar kalluumeysato noqotay kadib markii aabaheed uu dhintay!

Muqdisho (Himilonetwork) – Rayaan Abuukar Cali waa 18 jir waxay ku dhalatay kuna barbaartay xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka Kenya. Laba sano ka hor ayey Muqdisho ku soo laabatay kadib markii uu aabaheed geeriyooday. Si ay biil ugu radiso reerka waxay miciin bidday badda waxayna noqotay gabadha kaliya ee ka midka ah kumannaanka ka kalluumeysta xeebaha Muqdisho. “Waxaan wadi jiray ...

Read More »

Eygii Sugaalka ugu jiray Saaxiibkiisa aan usoo noqon doonin!

Brazil (Himilonetwork) – Sheekada Ey aan magaciisa la sheegin kaas oo muddo afar bilood ah ku gaaf-wareegayay bannaanka hore ee isbitaal uu ku geeriyootay saaxiibkiisii soo korsaday ayaa qabsatay war-fidiyeenka adduunka. Eyga waxaa markii ugu horreysay lagu arkay isbitaalka Santa Casa de Novo Horizonte ee Sao Paolo isla habeenkii anbalaasta lagu keenay ninkii lahaa oo 59 jir dib-jirnimo kusoo koray kaas oo ...

Read More »

La kulan – Gabadhii ku heestay 102 Luqadood oo kala duwan.

Dubai (Himilonetwork) – Suchetha Satish, oo ah gabar Hindi ah oo ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaan dhawaan Buugga Guinness World Records ku gashay noqoshada gabadhii ugu horreysay oo ku heesta in ka badan 102 luqadood muddo ku dhow 6 saacadood iyo 15 daqiiqo. Suchetha ayaa go’aanka qaadatay sannad kahor; waxayna gashay falkii ay ku xaqiijin lahayd. Waxay kol hore ku ...

Read More »

Marooko oo laga mamnuucayo adeegsiga Bacda ‘balastikada’.

Rabat (Himilonetwork) – Dalka Marooko waxaa laga mamnuucay bacda – balastikada – oo ah dalka labaad ee ugu isticmaalka badan bacda kaddib dalka Maraykanka, hayeeshe saraakiishu waxay sheegayaan inay qaadan doonto muddo badan sida loola qabsado sharciga.  Hindisahan hadda dhaqan-galay waxaa barlamaanka la mariyay sannadkii 2015-ka. Taniyo markaasna, milkiilayaasha goobaha ganacsiga ayaa isku dayayay inay raadsadaan beddel kale oo ay ...

Read More »

La kulan: Ninka – Kahor intuusan Quraacan – Subax kasta Quraac siiya Masaakiinta.

Hyderabad (Himilonetwork) – Mohd Sujathullah, oo arday Hindian barta farmakoolojiga ah wuxuu maalin kasta cunno u qeybiyaa danyarta isugu timaada Isbitaallada magaalada Hyderabad, dalka Hindiya. Sanadkii lasoo dhaafay, wuxuu si maalinle ah quraac ugu qoondeeyey dad gaaraya 1,000 qofood oo danyar masaakiin ah – kahor inta uusan u fariisan inuu quraacdiisa gaar u cuno. Wuxuu kaagacaa aroor hore kana tagaa ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!