crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mooshin – Mar-arag laga naxo Maqalkiisa. | HimiloNetwork

Mooshin – Mar-arag laga naxo Maqalkiisa.

Muqdisho (Himilonetwork) – Way dhacaysaa mar walba. Sida xooluhu u rakaadaan fulinta kahorna, waa lama huraan in xukuumad walba oo dhalata la kowsato. Is-qabqabsiga madaxda ugu sarreysa dalka waa arrin laga yaabo in badan inay u qaataan si fudud. Balse xaqiiqdu waa inay tahay mid masiiri ah oo raadeynaysa hayaanka fog ee loogu jiro gaarista dowlad wanaagga.
Mar walba oo dhawaaqa mooshinku uu kusoo dhaco dhegaha bulshada, qofna mafisho in si dhib yar loo damiyo. Saadaasha laga bixiyana aalaaba waxay u dhamaataa sida loo bato – hal mas’uul inuu xilka banneeyo.
Balse ilaa iyo hadda mid ayaysan si guud uga dhaadhicin muwaadiniinta, siiba kuwa u dhuun daloola falan-qeynta siyaasadda dalka? Bilowga sannadkii hore oo dalku galay marxalad hoggaamiye loogu doortay Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo, wuxuu ahaa dhamaadka is-qabqabsi badan oo dowladdii ka horreysay – oo saddex RW mid walba mar soo hoggaamiyay xukuumaddeeda – ay ku sogootisay muddo xilliyeedkeeda. Sawirraddii taariikhda galay ee saddexda mas’uul ee xilka isaga danbeeyey kuwa muujiyeen midnimo iyo isu-tanaasul iyo hadalladdii qiirada waddaniyadeed lahaa ee lagu daah-furayay waaga kale ee Soomaaliya u baryay, qofna xisaabta kuma darsan in dowladda cusub wajihi doonto wixii horay looga bartay dowladihii xilka kaga horreeyey. Taas waa marka loo eego codkii aqlabiyadda lahaa oo Mudanayaasha Barlamaanku ay hoggaanka ugu dhiibeen MD Farmaajo.
In kasta oo dhowr tallaabood oo bogaadin iyo amaanba ugu filan xukuumadda ay horay u qaaday, haddana taasi kama horjoogsan inay la timaado dhaliilo uga yimid Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.
Biseylka laga gaarayo ilbaxnimada xurriyadda hadalka iyo qadarinta afkaaraha iska soo horjeeda – iyada oo taasi aan loo mareynin dhaqankii ku dhisnaa cunfiga iyo gacan-ka-hadalka – waxay ifafaalo fiican u tahay geeeddi-socodka hannaanka dowliga ah ee dalku ku socdo. Hayeeshe, is-mari waaga mararka qaar u xuubsiibta cuuryaamin ku timaada howlaha iyo adeegyada bulshada, waxay iyadna iftiinka yar ee umadda u baxay kaga ridaysaa ceel guntiis.
Xaqiiqda qaraar oo ay qasab tahay inaan liqno waxa ay tahay sababta marka aan maqalno Mooshin loola xiriiriyo madaxda ugu sarreysa dalka. Jiritaanka xaalado badan oo masiiri ah oo ay muhiim tahay in mudanayaasha sharafta leh ay isla qaadaa-dhigaan sida abaaraha dalka kusoo noqnoqda, wax-barashada, shaqa-la’aanta iyo wixii la halmaala, sababta soo celcelinaysa is-qabqabsiga mas’uuliyiinta dalka, dad badan waxay ku tilmaami karaan mid aan ka turjumeynin danaha qaranka.
Balse iyada oo la fiirinayo marxaladda geeddi-socodka dowladeed oo hadba gabbalku ugu dhacayo fogaan kaabiga ku heysa is-qaadasho, in kale ayaa ku hal-adag in is-qab-qabsiga madaxda ugu sarreysa dalka ay iftiiminayso milgo laga yaabo inaysan u wada muuqan indhaha bulshada, hayeeshe gabagabada lagu baritaari doono halka sartu ka qurunsan tahay.
Waxaase midda hore xoojin kara ayaa ah sababta labadii mas’uul ee is-qabataba uu midba kan kale – inta karaankiisa – isku dayo inuu saaxada siyaasadda kala baxo. Isaguna noqdo midka libinta ku geeraara.
Khilaafku waa mid soo taagnaa taniyo markii ina Aadan arlada la dul-dejiyay, waana mid jiraya ilaa iyo inta Eebe u qadaro. Laakiin inaan garan karno sida khilaafka looga ilaaliyo inuu gaaro heer danta inaga wada dhaxeysa uu halista u loogo, waxay caddeyn u tahay sida liidata oo aan ugu dabaal-degi la’nahay kala fikir duwanaanshaheenna.
Sideedaba ma ahan wax madaxdeenna gaar ku ah inay iskula dhacaan shaqo shacbigu u wada igmaday. Waa dhaqan caalami ah oo dowladaha adduun weynaha dhexdooda ka dhasha. Waxaase aad u kala duwan asluubta loo maro xalinta khilaafka soo kordha. Waana midda ka turjumeysa sida aan wali ugu bislaanin aqbalista arrimaha la isku qabto iyo qaadashada go’aanka ugu sahlan ee lagu dhammeyn karo. Waxay ahayd sannado kahor markii madaxda ugu sarreysa dalka Turkiga ay isku qabteen arrin masiiri ah oo raadeyn kartay mustaqbalka u iftiimaya iyo geeddi-socodka horumarineed oo ay hiigsanayaan haddii aysan isku tanaasuli laheyn.
Maalmahan oo lagu jiro xaalad siyaasadeed oo meel lagu saleeyo loo la’yahay, waa muhiim in madaxdeennu tix-gelin u sameeyaan danaha iyo dareenka bulshada kuwaas oo mooshin walba oo ay maqlaan ka qaada rajo xumi liifadda u gaabisa ileyska yar ee u baxaya.
Tifaf-tiraha Radio Himilo;  Isma’il Maxamed Samatar.
Kala xiriir: zeema200@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!