crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kamikatsu – Magaalo aan Qashinba laga heli karin! | HimiloNetwork

Kamikatsu – Magaalo aan Qashinba laga heli karin!

Tokyo (Himilonetwork) – Waxaan maqalnay sheekooyinka shaqsiyaad dunida ku nool kuwaas oo la qabsaday nolol qashin la’aan ah ‘zero waste’, hayeeshe ma ahan aalaaba mid la xiriirta bulsho dhan inay isku daydo nolol ka madax bannaan qashinka. Dadka ku nool Kamikatsu, dalka Japan, waxay dib-u-adeegsadaan ‘recycling’ wax walba oo ay mar qura soo iibsadaan – xilli ay isku dayayaan inay noqdaan degmada ugu horreysa oo ka qaalib  noqota qashinka marka la gaaro 2020-ka.
Kamikatsu malahan gaadiidka lagu daabulo qashinka – sidaas awgeed, deganayaasha waxay u baahan yihiin inay guryahooda ku farsameeyaan dhammaan wax walba oo adeegsi gali kara mar labaad iyo ka badan. Waxay 34 cutub u kala qeybiyaan qalabka iyo alaabaha ay doonayaan inay dib-u-adeegsadaan. Waxayna usoo qaadaan xarunta ugu dhow ee dib loogu adeegsi galiyo ‘recycling’ halkaas oo shaqaalaha ay hubsadaan in qashinku aado meelaha u kala qoondeysan. Waxay dadka degaankani ku qaadatay waqti badan inay sharcigan la qabsadaan, hayeeshe ugu danbeyntii way ku guuleysteen. Hadda waxay la tahay caadi inay tallaabtan maalinle ula noolaadaan.
Alaabaha waxaa ku jira wargeysyada, kartoonnada, jaadadka balastikada iyo wixii la halmaala. Inta badan alaabahani dib ayaa loo iibiyaa; mise waxaa loo farsameeyaa in qalabka kale laga sameeyo sida; walxaha carruurtu ku ciyaaraan, maryo, qalabka moobillada iyo wixii soo raaci kara. Dadka halkan alaabaha guryahooda uga keenaya waxay la socdaan sanaadiiqda taalla oo mid walba alaab goonni ah loogu tala-galay inay lagu rido.
Dib-u-adeegsigu waa dhaqan aad looga dhiirri-geliyo gudaha Kamikatsu, waxay leeyihiin dukaan la yiraahdo kuru-kuru oo dadka xaafaddu ay isku dhaafsadaan walxaha lasoo isticmaalay – iyaga oo aan lacag iska qaadaneyn. Warshadda kuru-kuru waxay shaqaaleysiisay haweenka degmada si ay ugu sameeyaan boorsooyin, dhar, alaabaha carruurta iyo kuwa badan. Ganacsiga ayaa sidoo kale aad loogu dhiirri-geliyaa in laga qeyb noqdo si loo yareeyo qashinka. Waxaana magaalada ka jira dhismo gaar loogu tala-galay in lagu horumariyo dib-u-adeegsiga alaabaha.
Lahaanshada dadyow tiro ahaan gaaraya 1,700, Kamikatsu waxay dib-u-habeysaa 80% qashinka ay iska soo saaraan dadkeeda, halka 20% la geeyo goobaha qashinka loogu tala-galay. Waxayna hadda u dhow yihiin in qashin oo dhan laga waayo dhexdeeda.
15-kii sano ee lasoo dhaafay ayay dhaqankan soo wadeen oo kasoo bilaabanaysa markii ay ku dhawaaqeen inay meel iska dhigayaan dhaqanka qashin-qubista sannadkii 2003.
“Haddii aad la qabsato waa caadi,” ayuu yiri mid kamid ah dadka Kamikatsu. “Waxay noqon kartaa laxaw. Hadda maba ka fikiro. Waxay noqotay dabeecad.”
Qarashka loogu tala-galay in dib loogu farsameeyo qashinka Kamikatsu, waxaa maareysa Akadeemiyadda Zero Waste Academy taas oo joogto u marti-gelisa ardayda iyo dalxiisayaasha shisheeye si ay u barto muhiimadda ay ku fadhiso nolol bilaa qashin ah in lagu noolaado. Sannad walba, Akadeemiyadda waxay heshaa 2,500 dalxiisayaal dunida oo dhan uga yimaada kuwaas oo u hammuun qaba inay bartaan sida mashruucan oo kale loo dhaqan-geliyo.
La yaabka ay badigood sunniyaha la taagaan ayaa ah sida fudud oo mashruucan ku hir-galay muddo kooban gudaheed.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!