crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabar korontada xaafadda demin jirtay si ay qarsoodi ula kulanto jaceylkeeda. | HimiloNetwork

Gabar korontada xaafadda demin jirtay si ay qarsoodi ula kulanto jaceylkeeda.

MUQDISHO (HN) — Gabar yar oo ku nool gobalka Bihar ee dalka Hindiya ayaa la ogaaday inay si joogto ah u damiso korontada xaafadda si ay ula kulanto jaceylka qaab qarsoodi ah. Marwalba oo ay doonayaan inay wada kulmaan ayay damisaa korontada xaafadda.

Dadka xaafadda Bettiah waxay dhawaanahan la derseen xaalad aan horay uga dhici jirin xaafaddooda oo ah in korontadu habeen walba tagto goor cayiman. Mugdigan badan wuxuu faa’iido u noqday daydayga iyo tuugada waxayna u cawdeen waaxda xoogga korontada balse kama helin war qanciya. Sidaas darteed, qofna ma ogeyn waxa jira – shaqaalaha shirkadda iyo dadka xaafadda intaba, Ilaa habeen kamid ah habeennada jaceylkii qarsoodiga ahaa uu kashifmi doono.

Waxaana la ogaaday in inanta la yiraahdo Priti Kumari, oo xaafadda degan taas oo xiriir jaceyl kala dhaxeeyo Rajkumar ay si ku tala-gal ah u damiso korontada xaafadda si aan loo ogaanin jaceylkooda.

Ma ahan markii koowaad oo sheeko tan lamid ah ay ka dhacdo dalka Hindiya. Sannadkii hore, wiil ayaa sidan oo kale u damin jiray korontada xaafadda si uu qarsoodi ula kulmo jaceylkiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!