MUQDISHO (HN) — Lammaane lagu sheegay kuwo aan naxariis dhan lahayn ayaa cunug ay dhaleen dhaafsaday ‘ama ku iibsaday’ telefoonka iPhone-ka. Sheekadan oo ka dhacday gobalka West Bengal ee dalka Hindiya ayaa la sheegay inay aad ugu waasheen helidda telefoon iPhone ah. Waxayna si ay u helaan jaadkii ugu dambeeyey awgeed dhaafsadeen cunugooda.
Jaydev iyo Sathi Ghosh waxay soo jiiteen indhaha iyo dareenka dadka ku nool North 24 Parganas markii la arkay iyaga oo telefoon qurxoon la dhex maraya xaafadda – sawirana isaga qaadaya. Qoyskan oo la ogaa inay weligoodba ku adkeyd halganka nololeed ee maalinlaha ah iyo sida ay ugu adag tahay inay helaan agab qaali ah ayay la yaab ku noqotay markii ay arkeen. Waxay rumeysan waayeen waxa dhaayahoodu u jeedaan.
Laakiin waxaa taas beddelkeeda la tabay inankoodii 8 bilood jirka ahaa oo aysan arkin meel uu jaan iyo cirib dhigay. Balse lur iyo xanuunba kuma heynin lammaanahan oo iska iibiyay inankooda.
Markii boolisku daba-galay, lammaanaha ayaa qirtay inay iibsadeen wiilkooda si ay u helaan iPhone uguna soo dalxiisaan gobalka iyaga oo sawirro qurxoon iyo muuqaallo isaga soo duubaya.
La-yaabkaas oo qura laguma arag jaceylka xad-dhaafka ah ee loo qaaday qaadashada nuucyadii ugu dambeeyey ee aaladaha la adeegsado. Waxay ahayd sannadkii hore markii uu nin kelidiisa u iibsaday si uu u helo iPhone.
You must log in to post a comment.