MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay Shiinaha oo kasoo guuraya miyiga – doonaya inuu soo dego magaalada – ayaa kaga yaabsaday jaarkiisa kaddib markii la arkay isaga oo 7 kamid qaalmihii uu baadiyaha ku dhaqan jiray mooro uga sameeyey balakoonka sare ee gurigiisa.
Kawaran adiga ku nool guri dabaq oo jaarka kugu dhaqan ay kaaga naxsadaan urta iyo saxarada lo’da oo ay usii dheer tahay qeyladeeda? Taas waa wixii ku dhacay jaarka ninkan u dhashay Shiinaha ee reer miyiga ahaa kaas oo horay usoo kaxaystay qaalmihiisa si uu ugu dhaqdo magaalada. Wuxuu u watay rabaayo ahaan. Laakiin kuma uusan soo tala-gelin in halka uu dejin doono aysan marwalba lamid noqon doonin mooradii uu ku dhex heyn jiray.
Deriska oo aad uga cawday ficilka la-yaabka leh ee reer miyigan ayaa uga ashtakooday booliska. Waxaana lagu guuleystay in xoolahan dib loogu celiyo halkii uu awal kasoo kaxeeyey ee miyiga si weliba qasab ah.
Waxaana aad looga digtoon yahay inuu mar kale buuq ka dhex kiciyo deriskiisa oo uu habeen madow kusoo gudo.
You must log in to post a comment.