crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Aabbe – isaga oo oofinaya balanta Gabadhiisa – Ceel iyo Masjid u dhisay Muslimiin sabool ah. | HimiloNetwork

Aabbe – isaga oo oofinaya balanta Gabadhiisa – Ceel iyo Masjid u dhisay Muslimiin sabool ah.

MUQDISHO (HN) — Maryam waxay jirtay 7 sanno markii ay u geeriyootay Kansar uga dhacay minka sannadkii 2017.

Kahor dhimashadeeda, Maryam ayaa aabaheed Sahgir Ahmed, oo ku nool Birmingham warsatay inuu u baxo Afrika si uu danyarta u caawiyo.

“Laba toddobaad kahor dhimashadeeda, waxay ii sheegtay inay dooneyso inay Afrika aado oo ay kasoo dhisto ceelal biyood ay ku harraad-baxaan dadka danyarta ee miyiga iyo dhulka oomanaha ah ku nool,” ayuu yiri Sahgir. “Aad bayna muhiim iigu tahay inaad riyada gabadhayda rumeeyo.”

Isaga oo ilaalinaya balanteeda, ayuu si kastaba, 37 jirkan adduun dhan £100,000 ugu deeqay mashruuc ceel iyo masjid loogu qodayo bulsho Muslim ah. Wuxuu sidoo kale lacag dhan £20,000 ugu deeqay carruurta agoonta ah si loogu iibiyo dhar ay xirtaan Ciidda inagu soo fool leh.

“Taageerada asxaabtayda, xigtadayda iyo jaallayaashayda ayay ku timid inaan deeqdaas gaarsiiyo walaalaha u baahan,” ayuu yiri.

“Dadkii aan kusoo arkay Tanzania ma haysan agabyada aas-aasiga u ah nolosha,” ayuu yiri. “Deeqdaasina waxay wax un ka taraysaa halgankooda maalinlaha ah.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!