crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muuqaallada | HimiloNetwork | Page 7

Muuqaallada

Daawo – Aqrisku wuxuu ugu danbeyn noqonayaa lama-huraan.

MUQDISHO (HN) — Gu’yaal badan, dalkani fursad u saamaxda in dadkiisu ay wax aqriyaan waxay aheyd mid aan fududeyn. Balse sannadihii danbe oo xasiloonida iyo kala danbeyntu kusoo noqotay heer lagu noolaan karo, waxay fursad u noqotay jiilkii kusoo qaangaaray burburkii dalka inay wax aqriyaan. Haddaba, wariye Maxamed Qadar Abdi ayaa warbixinta soo aadan ku eegaya sirta ku jirta jaceylka ...

Read More »

Daawo – Muslimiin Maalinle u quudiya Masaakiinta Australia.

MUQDISHO (HN) — Inta badan warbaahinta caalamiga waxaan ka maqalnaa dhibaatooyinka lagu hayo ama ay geystaan ururrada lala xiriiriyo waxa loogu yeero argagaxisada Islaamiga ah. Balse marka ay timaado samaha iyo wanaagga ay Muslimiintu ka dhex sameeyaan bulshooyinka la nool, inta badan ma dhacdo in dunida laga sheego. Mid kamid ah samafalayaasha u taagan nooleynta nolosha dadka darbi-jiifta ah iyo ...

Read More »

Daawo – Isbitaal lagu daryeelo Maroodiga oo laga furay Hindiya.

Delhi (HN) — Markii ugu horreysay, sannadkii 2018-ka, Hindiya waxaa laga furay Isbitaalka Maroodiga – si daryeel iyo baxnaano caafimaad loo siiyo qeybtan duur-joogta kamidka ah ee dabargo’a iyo daqaradda aadmiga dhibane u ah. War fiican ayaana durba kasoo yeeray Hindiya oo ah in ku dhawaad 28 Maroodi loo fidiyay dhammaan nuucyada daryeelka caafimaad oo ay u baahnaayeen. Ururka helay ...

Read More »

Daawo – Geed dhexdiisa ay Biyuhu kasoo burqadaan.

MUQDISHO (HN) — Xaafadda yar Dinosa ee katirsan Montenegro waxay hoy u tahay geed weyn oo la yiraahdo mulberry kaas oo dhexdiisa ay kasoo burqadaan biyo marka walba oo roob mahiigaan ah uu da’o. Sida caadadu tahayba, iluhu kama soo baxaan meel aan dhulka aheyn, balse in geed dhexdiisa ay kasoo burqadaan waxaa loo celin karaa asbaabo naadir ah sida ...

Read More »

DAAWO – Masjid dhexdiisa Jimicsi lagu sameynayo!

MUQDISHO (HN) – Halka Masaajidda ku yaalla dhulka Soomaalida kaliya loo aado tukashada salaadaha iyo dhageysiga muxaadarooyinka, waxaa jira masaajid kale oo dunida Muslimka ku yaalla kuwaas oo sannadihii dhawaa abuurayay tusaalooyin togan oo la xiriira caafimaadka Jamaacadaha ku dukata. Jimicsigu wuxuu kamid yahay waxyaalaha maalinlaha loogu baahan yahay si firfircooni loo geliyo jirka qofka. Haddaba Masjid ku yaalla gobalka ...

Read More »

Muuqaal cajiib ah – Adigoo dalxiisaya halagaaga shaqeeyo Barahaada Bulshada.

Muqdisho – Adeegga ‘Relax We Post’ oo Dalxiisayaasha u sahlaya in looga shaqeeyo Koontadooda Baraha Bulshada xilliyada ay ku jiraan fasaxyada. Ku xirnaanshaha xad dhaafka ah ee baraha bulshada wuxuu keensaday in la qabatimo oo aan la helin waqti looga nasan karo – ama la’aantiis maalin gelinkeeda dunida dhabta ah lagu sugnaan karo. Mid kamid ah hoteellada ku yaalla dalka ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!