Muqdisho – Wasiirka Wax-barashada Faransiiska ayaa ku baaqay inay hooyooyinka Muslimiinta ah marka ay carruurtooda usoo kaxaynayaan dugsiyada aysan soo xiran xijaab. “Carruurta waa inay iskuul la yimaadaan hooyooyinkooda aan xirnayn qamaar ama xijaab maadaama astaan diimeed uu muujinayo,” ayuu yiri Jean-Michel Blanquer. “Aragtidayda gaarka ah waxay tahay inaan haweeneyda Muslimadda ah loo idmin xirashada xijaabka marka ay soo wadayso ...
Read More »Dunida Muslimka
Qorshaha lagu qabsanayo Quddus ku siman Qarni.
Muqdisho – Quddus waa mid kamid ah magaalooyinka ugu da’da weyn koonkaan. Waxa ay kulansatay saddexda diimood ee Islaamka, Masiixiyadda iyo Yuhuudda. Qarniyo wada noolaashiyo iyo is-maan-dhaaf loolan ka dhashay ayay soo martay magaaladan marka dib loo raaco sooyaalkeeda. Tiro dhawr jeer ah waxa ay marti u noqotay duullaan, dumin iyo dib-u-dhisid magaaladan luqadda cibriga Yuhuuddu ugu taqaan Jerusalem. Sheekooyinka ...
Read More »Carruurtaada wali Hadyad maku siisay inay Masjidka ku tukadaan salaadda Subax?!
Muqdisho (Himilonetwork) – Koox carruurta Turkiga kamid ah waxaa lagu abaal-mariyay hadyado iyo baaskiilo maadaama ay Masjidka ku tukadeen salaadda Fajarka – kuwaas oo 40 saf buuxiyay. Hadyadda waxaa lagu siiyay Masjidka Sultan Selim ee degmada Iimaan oo katirsan caasimadda Istanbul, sida IIm Feed laga soo xigtay. Hooyooyin badan ayaa joogto ugu soo wehliya carruurtooda salaadda Fajarka si ay u ...
Read More »Masjid gudihiisa Jimicsi loogu sameeyo da’da culus!
Istanbul (Himilonetwork) – Shanta waqtiga ee salaadaha – hal xirmo oo jimicsi ah waa mashruuc samafal ah oo koox ardayda dalka Turkiga kamid ah ay soo qaban-qaabiyeen. Mashruuca wuxuu isku keenayaa dadka da’da culus ee Masaajidda ku cibaadaysanaya oo ku nool Dumlupinar: hadafku waa inay caafimaad dareemi karaan hadiyo jeer. “Isboortigu waa howl gaar ah oo si gaar ah da’deenna oo ...
Read More »Adnan Menderes – Halyeygii Baraaruga Islaamiga ee Turkiga cusub!
Muqdisho (Himilonetwork) – Waa RW hore ee dalka Turkiga, Adnan Menderes. Intii u dhaxaysay 1950-kii iyo 1960-kii ayuu ahaa RW kaas oo saddex jeer oo xiriir ah ku guuleystay doorashada. Wuxuu aad ugu nuglaa ilaalinta dhaqanka iyo akhlaaqda Islaamiga in lagu dhaqmo marka lala barbar-dhigo helihii Calmaaniyadda Turkiga: Ataturk, Kemal Pasha. Wuxuu 50-meeyadii u ol’oleeyey sharciyeynta Aadaanka Salaadda – yacni ...
Read More »82 qofood oo mar qura ku Islaamay gudaha Nigeria.
Lagos (Himilonetwork) – Munaasabad laba maalinle ah oo ay qabatay Akadeemiyadda Fidinta Dacwada Islaamka ee Nigeria ACADIP ayaa kusoo idlaatay guul kadib markii 82 qof oo Masiixi ah ay kusoo Muslimeen. “Taariikhdeenna dacwada aan wadnay muddo 23 sano ah waa markii ugu horreysay oo dhacdadan oo kale ay nasoo marto – halkaas oo tiro badan ay wadar-wadar kusoo Muslimeen,” ayaa lagu ...
Read More »Muuqaal laga duubay Muslim ku tukanaya dhinaca waddada oo ku baahay internet-ka.
Muqdisho (Himilonetwork) – Muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya nin Muslim ah oo ku tukanaya dhinaca waddada gasha xeebta Sydney ayaa ku baahay baraha bulshada. Isaga oo Daily Mail kala hadlayay muuqaalka, madax-weyne ku-xigeenka Golaha Islaamiga ee Victoria, Adel Salman wuxuu yiri; “Waxaan ku tukaday waddooyinka marar badan, baakiinada, gegida dayuuradaha iyo xittaa garoomada kubadda cagta.” “Waxaan tukanaa shan waqti maalin ...
Read More »La kulan – Nin Muslimay isaga oo jirkiisa oo dhan wada shaabadaysan.
Muqdisho (Himilonetwork) – Murugyahan shaabadaysan: leh gar weyn ma ahan nuuca Muslim uu qofku ka filan karo inuu kula kulmo masjidka. Hayeeshe Robbie Maestracci, burcad-hore kaas oo hadda xubin ka ah ururka horumarinta dhalinyarada ee Masjidka Holland Park Mosque ayaa sidaas ka dhigan. “Waxaan helay taariikh danbi, waana u xirmay,” Maestracci ayaa u sheegay Daily Mail. “Aad baan ugu faraxsanahay ...
Read More »Turkiga oo sameynaya Hey’ad caalami ah oo wax-soo-saar Xalaal u gaar ah!
Muqdisho (Himilonetwork) – Wasiirka Dhaqaalaha Turkiga ayaa maalintii Khamiista ku dhawaaqay in dowladdiisu ay qorsheysay furitaanka hey’addii ugu horreysay ee shati u heysata cunnooyinka xalaasha ah si loo xoojiyo heerka ugu sarreeya nolosha 1.8 bilyan oo Muslimiinta dunida ku nool ah. “Baahida tira-weynaha Muslimiinta adduunka ay u qabaan wax-soo-saarka Xalaal ah waa mid baahaysa, ayuu Nihat Zeybekci u sheegay Anadolu ...
Read More »Muslimiinta Faransiiska oo aan in badan kusii tukan doonin waddooyinka Paris.
Paris (Himilonetwork) – Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegay inay ka joojin doonaan Muslimiinta ku tukashada waddooyinka waaweyn ee caasimadda Paris – isaga oo u balan-qaaday goob ay ku tukadaan. “Ma dhici doonto inay ku tukadaan jidadka. Waxaan u heli doonnaa masaajid,” ayuu yiri wasiirku. Ku tukashada bannaanadu waxay noqotay mid joogto ah maalin kasta oo Jimco ah oo la ...
Read More »