crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Turkiga oo sameynaya Hey’ad caalami ah oo wax-soo-saar Xalaal u gaar ah! | HimiloNetwork

Turkiga oo sameynaya Hey’ad caalami ah oo wax-soo-saar Xalaal u gaar ah!

Muqdisho (Himilonetwork) – Wasiirka Dhaqaalaha Turkiga ayaa maalintii Khamiista ku dhawaaqay in dowladdiisu ay qorsheysay furitaanka hey’addii ugu horreysay ee shati u heysata cunnooyinka xalaasha ah si loo xoojiyo heerka ugu sarreeya nolosha 1.8 bilyan oo Muslimiinta dunida ku nool ah.
“Baahida tira-weynaha Muslimiinta adduunka ay u qabaan wax-soo-saarka Xalaal ah waa mid baahaysa, ayuu Nihat Zeybekci u sheegay Anadolu Agency.
Dowladda Turkiga ayaa doonaysa inay adduun dhan 3.9 tirilyan ay ku bixiso wax soo saarka cunnooyin Xalaal ah.
Wasiirku wuxuu sheegay in dunida Muslimku aysan awoodin inay haqabtirato baahideeda la xiriira Xalaasha, Turkiguna uu awood u leeyahay inuu qeyb libaax leh ku yeesho.
Hey’adda Shatiga Xalaasha waxay sare u dhigaysaa heerka wax soo saarka xalaasha iyada oo awoodi doonta inay ku baahiso dunida dacalladeeda.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!