Paris (Himilonetwork) – Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegay inay ka joojin doonaan Muslimiinta ku tukashada waddooyinka waaweyn ee caasimadda Paris – isaga oo u balan-qaaday goob ay ku tukadaan.
“Ma dhici doonto inay ku tukadaan jidadka. Waxaan u heli doonnaa masaajid,” ayuu yiri wasiirku.
Ku tukashada bannaanadu waxay noqotay mid joogto ah maalin kasta oo Jimco ah oo la isugu yimaado fagaaraha Clichy-la-Garenne taniyo bishii March si looga dhiidhiyo xiritaanka dhismaha Masjid ugu danbeyn dowladdu ay ka dhigtay maktabad lagu aqristo buugaagta.
Muslimiintu waxay ku canbaareeyeen dowladda inay ku fashilantay xal-u-helidda baaqooda ah in la siiyo goob ay ku cibaadeystaan.
Ogaanshaha xaaladdooda, wasiirku wuxuu balan-qaaday inuu meel cusub oo ay ku tukadaan u sameyn doono.
“Muslimiintu waa inay helaan goob ay ku tukadaan,” ayuu yiri. “Waxan hubsan doonnaa inaysan mar kale bannaanada ugu tukan masjid la’aan.”
Faalladiisa waxay daba-soctaa dibadbax ay kahor dhigeen goor sharci-yaqaanno ah Muslimiin ku tukaneysay bannaanka Clichy-la-Garenne.
Muslimiinta Faransiiska ayaa bannaannada isugu soo baxayay dhawaanahan si ay u muujiyaan masaajidda oo ku yar.
Sanadkii 2015-ka, waxaa jiray baaq ay muujiyeen bulshada Islaamka ee Faransiiska oo ay ku doonayeen in kaniisadaha cidlaha ah lagu bedelo masaajid ay ku tukadaan taas oo dhaleeceyn xoogan lagala hor yimid.