crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Faransiiska oo aan in badan kusii tukan doonin waddooyinka Paris. | HimiloNetwork

Muslimiinta Faransiiska oo aan in badan kusii tukan doonin waddooyinka Paris.

Paris (Himilonetwork) – Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegay inay ka joojin doonaan Muslimiinta ku tukashada waddooyinka waaweyn ee caasimadda Paris – isaga oo u balan-qaaday goob ay ku tukadaan.
“Ma dhici doonto inay ku tukadaan jidadka. Waxaan u heli doonnaa masaajid,” ayuu yiri wasiirku.
Ku tukashada bannaanadu waxay noqotay mid joogto ah maalin kasta oo Jimco ah oo la isugu yimaado fagaaraha Clichy-la-Garenne taniyo bishii March si looga dhiidhiyo xiritaanka dhismaha Masjid ugu danbeyn dowladdu ay ka dhigtay maktabad lagu aqristo buugaagta.
Muslimiintu waxay ku canbaareeyeen dowladda inay ku fashilantay xal-u-helidda baaqooda ah in la siiyo goob ay ku cibaadeystaan.
Ogaanshaha xaaladdooda, wasiirku wuxuu balan-qaaday inuu meel cusub oo ay ku tukadaan u sameyn doono.
“Muslimiintu waa inay helaan goob ay ku tukadaan,” ayuu yiri. “Waxan hubsan doonnaa inaysan mar kale bannaanada ugu tukan masjid la’aan.”
Faalladiisa waxay daba-soctaa dibadbax ay kahor dhigeen goor sharci-yaqaanno ah Muslimiin ku tukaneysay bannaanka Clichy-la-Garenne.
Muslimiinta Faransiiska ayaa bannaannada isugu soo baxayay dhawaanahan si ay u muujiyaan masaajidda oo ku yar.
Sanadkii 2015-ka, waxaa jiray baaq ay muujiyeen bulshada Islaamka ee Faransiiska oo ay ku doonayeen in kaniisadaha cidlaha ah lagu bedelo masaajid ay ku tukadaan taas oo dhaleeceyn xoogan lagala hor yimid.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!