crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 47

Dunida Muslimka

Muslimiinta Shiinaha oo cadaadiskii ugu xumaa wajahaya taniyo bilashadii Ramadaanka.

Nairobi (Himilonetwork) – Ma ahayn wax la dheereysto. Waxay ahayd dhawaaq inuu soo socdo lasii ogaa. Laakiin su’aali kama taagna inaysan tani ahayn mid marmarsiinyo loo raadsan karo. Xukuumadda Shiinaha ayaa taniyo dhalashada Bisha Ramadaan ee sannadkan waxay cadaadiskii ugu adkaa kusoo rogtay Muslimiinta ku nool dalkeeda kuwaas oo loo diiday micno walba oo ay ku gudan karaan waajibaadka bisha ...

Read More »

40 qof oo Shahaadada loogu qabtay Afurka ka dhacay Dubai.

Dubai (Himilonetwork) – Afurka bisha Ramadaan ayaa fursad lagu qaato go’aanka bedelay noloshooda wuxuu u noqday dad gaaraya 40 qof kuwaas oo diinta Islaamka kusoo biiray. Dhammaantood waxay mar qura Shahaadada ku hor iclaamiyeen xaflad afur oo ay soo qaban-qaabisay hey’adda Dubai Islamic Information Center  kana dhacday Xarunta Dar al Berri maalintii Arbacada. Qaar badan oo kamid ah waxay muddo badan ...

Read More »

Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga oo Ramadaanka caawinaysa dadka gaaraya 10-milyan.

Nairobi (Himilonetwork) – Hiigsiga yool cusub, hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa ku han weyn inay caawiso hal milyan oo qof inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan. “Waxaan caawinay qoysas gaaraya 145,000, waxaana aynu kaalmo gaarsiinay dadyow ku kala nool 35 dal oo dunida dacalladeeda ah,” ayuu yiri madaxa hey’adda, Kerem Kinik, isaga oo la hadlayay hey’adda warfaafinta Turkiga ee Anadolu. Kirik ...

Read More »

Afurka loogu yeeray Not Trump’s Iftar oo lagu hor qabanayo Aqalka Cad.

Washington (Himilonetwork) – Ururka ugu weyn hoggaanka Muslimiinta Maraykanka ayaa isaga oo kaashanaya ururrada xuquuqaadka rayidka wuxuu qaban doonaa afur lagu magacaabay NOT Trump’s Iftar oo lagu dhaliilayo falalka naceybka ah oo madaxweynaha Maraykanka ku hayo Muslimiinta USA. “Ururka wuxuu indhihiisa ku arkay falal xaqiraad iyo naceyb ah oo looga soo horjeedo Muslimiinta iyo xuquuqda dadka kale ee tira-yarta ah ee ...

Read More »

Pope Fransis – “La islama simi karo Islaamka iyo argagaxisada.”

Nairobi (Himilonetwork) – Isaga oo waraysi siinayay wargeys kasoo baxa dalka Talyaaniga, Pope Fransis wuxuu si adag u diiday wararka Islaamka la xiriirinaya argagaxisada – wuxuuna ku tilmaamay mid bug ah iyo dhoodhoob marin habaabin ah. ‘ “Dad badan waxaa laga yaabaa inay iska hadaaqaan ereyadaas laakiin marnaba xiriir lama lahan diinta Islaamka argagaxisada,” ayuu ku yiri waraysigiisa. “Taas cagsigeeda, ...

Read More »

Nigeria – Maamul-goboleedka Yobe oo Afurka u sameynaya Danyartooda.

Lagos (Himilonetwork) – Gofanarka gobalka Yobe ee dalka Nigeria ayaa ku deeqay adduun lacageed dhan N63.5 million – una dhiganta $177,000 – si loogu afuriyo dadka tabaaleysan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Warkan waxaa dhanbaal lagu soo qoray bulshada u aqriyay agaasimaha guud ee gofenarka Abdullahi Bego. N15 million waxaa lagu bixin doonaa qoondada ku baxaysa imaamyada bisha barakaysan ee Ramadaan ...

Read More »

Dhalinyaro Samafalayaal ah oo Suxuur ‘free’ ah u sameynaya 32,000 oo Danyar ah.

Dubai (Himilonetwork) – Ku dhawaad 700 oo samafalayaal ah ayaa qorsheynaya inay suxuur lacag la’aan ah qeybiyaan inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan si ay u buuxiyaan booska ay ka tageen samafalayaasha bixinaya adeegga afurka bilaashka ah. “Guddiga ardayda wuxuu doortay inuu qeybiyo cunnooyinka suxuurta, waayo waxaa jira naadiyo dhowr ah oo u qoondeysan qeybinta afurka. Qofna kuma soo dhicin suxuurta. ...

Read More »

Sucuudiga oo bilaabaya Soo-jiidashada Dalxiisayaasha Muslimiinta ah.

Jeddah (Himilonetwork) – Guddiga Dalxiiska Sucuudiga ayaa bilaabaya qorshe ay dalkooda uga dhigayaan goob-dalxiiseed soo jiidata indhaha dalxiisayaasha Muslimiinta ah ee dunida dacalladeeda ku kala nool. “Guddiga Dalxiiska iyo Hidda-dhaqanka Sucuudiga wuxuu ku jiraa dadaal uu ugu diyaar-garoobayo aragtida 2030 kahor in dalkan uu noqdo mid soo jiita indhaha dalxiisayaasha Muslimiinta ah,” ayuu yiri Saud Al-Mogbil, oo ah af-hayeenka Guddiga. Mashruucani ...

Read More »

Muslimiinta Sweden oo loo idmay inay Aadaanka kasii deyn karaan Codbaahiyaha.

Stockhlom (Himilonetwork) – Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool koofurta Sweden ee Vaxjö ayaa loo idmay inay codbaahiyaha kasii deyn karaan Aadaanka Salaadda maalin walba oo Jimco ah, sida lagu soo xigtay  Anadolu Agency. Booliska Magaalada Vaxjo ayaa u idmay Muslimiinta inay aadaanka u adeegsan karaan codbaahiyaha Maalinta Jimcaha, marka loo eego Radio SR. Fredrik Modeus, oo ah baadariga degmada ayaa soo ...

Read More »

Muslim adduun dhan £850,000 ugu deeqay Jaamacadda Cardiff.

England (Himilonetwork) – Deeq-bixiye Muslim ah ayaa adduun dhan  £850,000 ugu deeqay Xarunta Barashada Islaamka ee Jaamacadda Cardiff – dadaal uu ku doonayo in fahamka saxda ah ee diinta Islaamka lagu dhex baahiyo gudaha dalka Britain. ““[Yousef Abdul Latif] Jameel wuxuu dhabtii qadarrin u sameeyey cilmi-baaristeenna la xiriirta kordhinta aqoonta Islaamka iyo Muslimiinta gudaha Britain,” Prof Gilliat-Ray, oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!